Sababaha hortaagan Doorashooyinka Somalilaan may sababin mucaaridku ee waa sababo siyaasadeed oo malaasan. qalinkii A/rahman fidhinle UK

Somalilaan markaad Dastuurkeeda akhrido waa Dimuqraadi laakiin waxay jebisay qodobadii bud-dhiga u ahaa Dimuqraadiyadii ay dhigatay ee Dastuurka ugu qornaa maadaama ay ku fashilantay in ay qaran ahaan Doorashooyinkeeda ku  qabato waqtiyadii loo mudeeyey ee loogu talo galay, nasiib darada dalka ku habsatay bal eega :

1- Golaha Guurtida waxaa doorasho ugu danbeysay sanadkii 1997- waxaana ay fadhiyeen 22 sanadood oo doorasho la’aan ah , halka la doortay 6 sano oo keliya

2- Golaha Baarlamaanka waxaa doorasho ugu danbeysay2005- waxaana ay fadhiyeen 14 sanadood oo doorasho la’aan ah, halka la doortay 5 sano oo keliya.

3- Golaha Degaanka waxaa Doorasho ugu danbeysay sanadkii 2012- Waxaana ay fadhiyeen 7 sanadood oo doorasho la’aan ah. Halka la doortay 5 sano oo keliya.

Waxaa iyana ayaan daro ah in mudo kordhinta goleyaasha wakiilada loo sameeyey aanay aheyn mid farsamo ee ay tahay mid ku fadhida dano siyaasadeed oo qoto dheer.

Somalilaan waa dal Dimuqraadi sheegta oo hadana  Dastuurkiisa jebinaaya oo Doorashooyinkiisa waqtigooda aan ku qaban taasina  “dimuqraadiyad ma aha”.

Somalilaan waa dal shacabkiisaa aan ixtiraameyn oo u diidaaya in ay doortaan xildhibaanadooda  taas oo  keentay in maanta qiyaamkii dawladnimada Somalilaan uu saqiiro  oo dhinaca u dhaqaaqi waayo, waxaana cadeyn kuugu filan Goleyaashii wakiilada ee qaranka oo markii ay tahli waayeen isku xukunkii dastuurka iyo shuruucdiisii  laga aamin baxay oo taladoodii si cadaan ah  loola wareegay “sida gudida dhex-dhexaadinta ee go’aamada dhex-dhexaadinta xisbiyada dhawaanta soo saaray ay taladii Guurtida iyo Wakiiladaba ula wareegeen”. Waxaa Somalilaan hawshoodii gabay oo saqiiray labadii Gole  qaran ee dawladnimada bud-dhiga u ahaa.

Waxay gudidii hore ee  komishanku cadeeyeen in doorashada lagu qaban karo mudo 10 bilood taasna lama dhegaysan. Maanta JSL Waxaa bur buray geedi socodkii iyo dimuqaariyadii dalka ka hano qaaday mudadii 28 sanadood ee la soo dhaafay. Waxaana soo if baxay in xukuumadu  ay geedi socodkii doorashooyinka ay god madow  ku sii riday. Sida ku cad Dastuurka qaranka  xoriyada muwaadinku waa xaq dastuuri ah.  Waxay xukuumadu komishanka cusub ka dudey xeerarkii iyo shuruucdii loo dhigay ee lagu dooranaayey.Arimahan cakarini waxay sii shidaalinayaan xagal daaca iyo  dib ugurashooyin ku sii yimaada Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somalilaan ku taameysay mudada dheer. Waxaana sii kordhaaya mixnadaha malaasan, quluubaha kala jeeda iyo siyaasadaha beeleysan ee danaha gaar ka ah ku qotoma..

Gunaanad:  Waa in dawladu ixtiraamtaa Dastuurka iyo isku xukunka shuruucda dalka. Waa in dawladu ixtiraamto baahida ay shacabka JSL uqabaan in ay wax doortaan oo u codeeyaan Xildhibaano cusub, si loo helo Xildhibaano cusub oo metela dhamaan Goleyaasha qaranka JSL. Waa in xukuumadu la timaado feker cusub iyo hal-abuur cokan iyada oo mar walba mudnaanta siinaysa qabsoomida Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Gole yaasha Degaanka. Waa in ay xukuumadu meesha ka saartaa komishan ka cusub kuna dhawaaqdaa komishan cusub oo lagu wada kalsoon yahay.

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso