“Alshabaab Shirko ayaa lala Yahay” Xildhibaan Mahad Salaad

Shaatiga iyo Shaabada ayaa u kala duwan shaqada la hayana waa isku mid!”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada Somalia ayaa ka hadlay dhacdadii argagxiso ee Hotel SYL waxaanu eedeyn ba’an dusha uga tuuray Xukuumadda Farmaajo waxaanu yidhi sidatan:-

 

 

Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen Hotel SYL ay ku dhinteen 3 qof shacab ah iyo 2 askari. Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 11 qofood.

Ilaa hada xogta aan ka helnayno Isbitaalada Mogadishu waxay sheegaysaa dhimashada iyo dhaawaca in intaas aad uga badanyihiin. Intii naga dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Eheladii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin.

Dhanka kale, dhibaatada xalay ka dhacday Hotel SYL iyo kuwo badan oo ka sii horeeyayba Alshabaab shirko ayaa lagula yahay. Dhowr sababood:

1. Hotel SYL wuxuu ku yaalaa irida Madaxtooyada. Dhowr boqol oo tilaabo ayuuna u jiraa hoyga Madaxweyne Farmaajo. Aniga Xildhibaanka ah dhowr barood oo ciidamada amnigu joogaan ayaa la’igu hubiyaa kahor inta aanan gaarin goobtaas marka yaa geeyay nimankaan hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

2. Weerarkii xalay waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad isugu jiray shacab, ciidamo iyo mas’uuliyiin dowladeed. Laamaha amniga waxaa la amray in ay qariyaan qasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyadeed ee weerarka ka dhashay si aan loo ogaan. Ilaa hadana warbaahinta looma ogolaanin in ay tagaan goobtii dhibku ka dhacay. Marka cadowga ku dilaya iyo midka adigoo dhiban dhibaatada kugu duugaya maxay ku kala duwanyihiin hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

3. Weeraro badan ayaa magaaladaan ka dhacay mudadii Madaxweyne Farmaajo talada dalkaan hayay. Dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhowr kun ayay kor u dhaafayaan. Waa dhif iyo naadir Madaxweynuhu ummadda inta hor yimaado in uu uga tacsiyeeyo dhibaatada soo gaartay ee naf iyo maalba leh halka HABAR ama ODAY GAAL ah hadii cirifka ugu danbeeya dunida ay ku dhimtaan isla saacadahaas loo tacsiyaynayo. Marka maxaa loo hagranaya shacabkii mas’uulka laga ahaa hadii dhiigooda aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

4. Alshabaab hada waxay canshuur xad dhaaf ah ka qaadaan Dekada, Ayraboorka, Suuqayada, Dukaamada, Gaadiidka iyo Guryaha la deganyahay ee magaalada Mogadishu, dowladu waa ogtahay ilaa hadana hal tilaabo dhankooda looma qaadin si shacabkaan la baadayo hantidooda loo badbaadiyo marka sidee arintaani ku dhacday hadii aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

Shaatiga iyo Shaabada ayaa u kala duwan shaqada la hayana waa isku mid!

Hon. Mahad Salad

Advertisement

Ku Xayeysiiso