6 qof American ah oo ku dhintay toogasho ka dhacday Magaalada New Jersey.

Lix Qof oo American ah oo uu kamid yahay sarkaal Boolis ayaa dhimatay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaadhay kadib markii ruux hubeysan uu toogasho gaystay.


Wararka laga helayo Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay dhinteen sedax kalane ay dhaawacyo soo gaadheen kadib markii nin hubeysan uu weeraray fagaaraha weyn ee magaalada New Jersey City.

Dadka dhintay waxaa kamid ah sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska Mareykanka,sedax qof shacab ah iyo ruuxii toogashada geystay oo markii dambe ladilay.

Wargeyska New York Times ayaa bartiisa Twitterka ku baahiyay Video muujinayay toogasho ka socota fagaaraha dagaalka ee badhtamaha magaalada New Jersey City.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuuna ku tilmaamay mid musiibo ah, “si xeel dheer ayaan ula soconaa dhacdadan mas’uuliyiintuna kaalmo ayay ufidin doonaan dadka waxyeelloobay” sidaas waxaa yidhi Trump.

Advertisement

Ku Xayeysiiso