Hoggaamiyaha Mayanmar oo manta hortageysa Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ


Hoggaamiuyaha dalka Mayanmar Aung San Suu Kyi ayaa maanta oo Salaaso ah hortageysa xarunta maxkamadda cadaaladda (ICJ) ee Hague,iyadoo si weyn loo sugayo kiiska la xidhiidha xasuuqii ka dhacay dalkaasi ee loo geystay dadka Muslimiinta ah ee Rohingya .

Haweeneydaasi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maalinimadii Axadii ee la soo dhaafay ka dagtay garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schiphol,waxaana la socday Wouter Jurgens, oo ah safiirka Holland ee Myanmar,

Xafiiska Aung San Suu Kyi ayaa bishii hore xaqiijiyay in ay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda maxkamadda ICJ ee ku saabsan in ay xasuuq u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Rakhin,waxaana la socda koox difaacaya danaha dalkaasi.

Kiiskaan ayaa ah isku daygii ugu horreeyay ee si sharci ah loogu soo oogo Myanmar,kaas oo la xidhiidha dilal ballaadhan oo loo geysto dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

In kabadan 700,000 oo Rohingya, ah oo u badan muslimiin waxay u carareen dalka deriska la ah ee Bangladesh ka dib hawlgal dhiig badan ku daatay oo ay sameeyeen ciidamada Milatariga Myanmar.

Saacadaha soo socda ayaa la saadaalinayaa inĀ  bannaanbaxyo looga horjeedo hoggaamiyaha Mayamar iyo xasuuqii ay geysatay ay ka dhacaan magaalooyinka dalka Holland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso