Dowladda Itoobiya oo shaacisay tirada ciidamada kaga sugan gudaha Soomaaliya

Markii ugu horraysay ayay dowladda Itoobiya ka hadashay tirada ciidamadeeda jooga gudaha dalkaasi Soomaaliya.

Qiraal mar la arag ah ayaa kasoo baxay mas’uul Itoobiyaan ah inkastoo uusan si dhab ah u sheegin tirada ciidamada Itoobiya uga sugan Soomaaliya hadane wuxuu carrab dhabay in tobanaan kun askari ay uga qeyb qaadanayaan hawlgalada dowladaha shisheeye ka wadaan gudaha Soomaaliya

Meles Alem oo ah safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa wargeyska The Star ee Kenya kasoo baxa u sheegay in ciidamo gaadhaya 9000 illaa 15,000 askari ay uga suganyihiin Soomaaliya ayna qeyb ka yihiin dagaalka argagaxisada.

Mas’uulkan Itoobiyaanka ah wuxuu sheegay in ciidamadooda jooga Soomaaliya ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM.
Ciidamadan badankood waxay ku sugan gobollada,Baay,Bakool iyo Gedo.

Sidoo kale ciidamo Kale syaa ku sugan gobollada Hiiraan,Galguduud iyo Jubbaa Hooss.

Advertisement

Ku Xayeysiiso