DEG DEG: Rag hubaysan Oo weerar Ku Qaaday Hotelka SYL ee Muqdisho iyo Shabaab oo sheegatay Weerarka

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in koox ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotelka halkaas rasaas xoogani.

War kooban oo ka soo baxay kooxda Shabaab ayaa ay ku sheegatay weerar ayna fuliyeen dagaalyahano ka tirsan ciidankooda.

Hotelkan ayaa sidoo kale kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan lagu qabtaa xafladaha iyo shirarka hay’adaha DF.

Advertisement

Ku Xayeysiiso