Wargeyska The East African: Danjire Baashe Cawil oo Bayaamiyey Farqiga Maamul ee u Dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa maanta warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in  doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey  in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

Wargeysku wuxuu  xusay in xukuumadda Somaliland ay sheegtay in mucaaridku muran geliyeen xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa warsidaha The East African u sheegay in Madaxweyneyaasha Somaliland la soo doorto oo ay leedahay laamihii dawladnimo ee kala duwanaa, halka Madaxtooyada Soomaliya aanay xukumin dhul gaadhaya 10km oo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe Cawil sheegay in caalamku ku daalay isla markaana guul ka gaadhi waayey nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal xasiloon oo tusaale u noqon kara geeska Afrika oo dhan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso