Jaaliyadda Somaliland ee Holland oo Xaflad Ballaadhan u Sameeyey Marwo Edna Aadan

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Holland gaar ahaan Magaalada Dengue, ayaa Munaasibad soo dhaweyn ah u sameeyey Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalka Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil oo booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland Maxamud Cabdale Digaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay inay dalka Holland ku soo dhaweeyaan Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ah shakhsiyad taariikh fiican ku leh Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kaalin weyn kaga Jirta halganka aqoonsi raadinta qaranka Somaliland.

Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalada Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil ayaa u mahadnaqday Guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan dalka Holland ee soo dhawaynta balaadhan u sameeyay, Drs Edna ayaa si qoto dheer uga hadashay geedi socodka qaranka Somaliland iyo Marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo heerka wanaagsan ee uu maanta taagan yahay.

Drs Edna Aadan Ismaaciil waxay ka dalbatay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland inay Mar walba Xoojiyaan wada jirkooda iyo isku duubnidooda isla markaana u arkaan nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland ka jiraa inuu yahay mid aynu horumar ku beegsanayno.

Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada hadalada Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil waxay intaas ku dartay in aqoonyahanka Somaliland ee wadamada yurub ku sugani uu dalkoodu u baahan yahay inay maalgashadaan.

Waxaa Kale oo halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Muwaadiniinta dalka Holland ee daneeya qadiyadda Somaliland.

Gunaanadkii Xafladaas ayaa lagu soo bandhigay Buuga ay qortay Drs Edna Aadan Ismaaciil ee lagu magacaabo A Women a First.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso