Dib u milicso aasaaskii Somaliland

Salaan kadib waxaan jeclaystay inaan  waxyar ka xasuusiyo da’yarta soomaaliland sidii dalkan seeska loogu taagay.gooni isutaaga Somaliland waxa lagu dhawaaqay 1991kii xiligaas oo ay u dhamaayeen beelaha Somaliland dega.hase yeeshee  waxa  dalkan seeska dawladnimo u dhidbay madaxweynihii la odhan jiray maxamed xaaji ibraahim cigaal naxariistii janno rabbi ha siiyee

Kadib laba sano(1991-1992) oo uu dalka dayday iyo jahawareer ka jiray, waxa bishii may 5 teedii 1993 shir- beeleedkii  ka dhacay boorama lagu doortay in uu madaxweyne ka noqdo maxamed xaaji ibraahim cigaal dalkan somalialnd.  waxa uu dal;kan Somaliland ku soo dabbaalay nabad galyo buuxda.  Amniga kadib waxa uu sameeyay waxyaabahan

Waxa uu  hubkii ka dhigay ciidan beeleedyadii kuna badelay ciidamada qaranka , asluubta iyo booliskaWaxa uu dib u habayn ku sameeyay xafiisyadii dawlddu lahayd kana saaray dadweynihii haystayWaxa uu hir galyay dastuur qaranku leeyahayWaxa uu sameeyay  lacag  iyo baasaaboor Somaliland u gaar ahWaxa uu hirgaliyay nidaamka hanaanka xisbiyada badan waxana uu abuuray xeerka ururo siyaasadeed xeer Lr 14Aasaaska hay,adaha komishanka doorashooyinka qarankaHindisaha lagu abuuray calanka soomaaliland ayuu abaabulaykuna badelay kii hore ee Somaliland.

Intaas kadibmarkii uu geeriyooday  waxa sii amba qaaday madaxweyne daahir riyaale kaahin oo isna lagu xasuusto karti iyo daacadnimo uu ugu adeegay ummada intii uu xilka hayay iyo isaga oo suuro galiyay qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo golaha deegaanka.

Kadib waxa xilka qabtay kulmiye oo madaxweyne siilaanyo ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 2010 kii. Dawladdii siilaanyo waxyaabaha ugu waaweyn ee iyana qabatay waxa ka mid aha, dhismaha wadooyin badan oo ay hirgalisay, lacagtii oo ay ka badeshay gobollada bariga,darajada ciidanka iyo mashruuca weyn ee DP world.

Hadaba taariikhdan waxa dib iigu celiyay waxan warbaahinta  ka maqlaa dad badan oo leh soomaaliland way burburaysaa, hadaba waxan leeyahay waan ka kornay burbur ee waxan aan isku haynaa horumarka tubtii loo raaci lahaa .

Aniga waxa hadda  ii muuqda horumarka soomaaliland oo maalinba maalinata ka danbaysa sii kordhaya , laamaha dawladda oo aad u koray dhinac walba, qandaraasyada qaranku isdaba joog u bixiyo , maalgashigii DP world oo  xawaare ku socda  iyo amniga guud oo sugan.

Dadka dawladda dhaliishan ama aan ku qanacsanayn habka ay wax ku wado waxan leeyahay waxa inoo furan cod aynu ku ridi karno ee ha la sugo muddo xileedkeeda .

Allaa mahadleh.

 

Abdilahi Ali Derie

Email: abdilahi_3@hotmail.com

Tel: 0634465037

Advertisement

Ku Xayeysiiso