Israel oo duqeysay Gaza ka dib gantaallo lala beegsaday

Diyaaradaha Israa’ii ayaa weeraray saaka goobaha Xamaas ay ka maamusho marinka Gaza kadib saddex gantaal oo lagu tuuray koonfurta Israa’iil. .

Weerarkaan xagga  cirka ah ayaa lala beegsaday guutada al-Qassam, garabka milatariga Xamaas, ee waqooyiga Gaza,iyadoo sidoo kale la weeraray goobo ku yaalla galbeedka Magaalada Gaza.

Illaa hadda ma jiraan warbixino deg deg ah  oo sheegay khasaaraha dhimashada  iyo dhaawacyada ay geysteen weeraradaasi ay fuliyeen diyaaradaha Isra’il,

Ma jirto koox ka tirsan Falastiin oo sheegatay mas’uuliyadda gantaalladasi, laakiin ciidamada Israail waxay sheegeen in Xamas ay mas’uul ka tahay weerar kasta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso