GALLAD GABAY By Haldeeq


GALLAD 
Gabaygan GALLAD waxa curuyey Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 01/12/2019, waa gabay ka warramaya nabadda iyo qiimaha ay guud ahaan nolosha makhluuqa u leedahay gaar ahaanna bani aadamka, bulshada Somaliland na si wayn wax u tuaalaynaysa, waxa gabaygu ku halqabsanayaa, Dr Jaamac Muuse Jaama, waxa uu ku bilaabmay, sidan:

Gabayada hal baa laga guntaa, Jaamac Gurayoowe
Haddii garangar muunaysan iyo, shaalal lagu giijo
Gadh-hayeenka hawraarta iyo, gororka suugaanta
Gaawaheeda waxa gaashi kara, gaydha maansada e

Dhirta gamashigeeduu gobkuba, soo goglaa midho e
Murtiduna geddaasay u tagay, shay gabbood wacane
Gucdurkiyo cadday kala gurtaa, dawga meel godane
Gu’ kastaba gankaad tahay midh baa, kuu gadaal baxa e

Waxa loo goleeyaa tixaa, gololo xeel dheere
Gobo’deedu waa siday anfaca, wax uga gaadhaaye
Sida loo gardaadshay u tahay, shay wax goyn kara e
Intay golaha deeqday u tahay, gogol-dhig waayeele
Intay meel gufaysay ka tahay, nolosha gaashaane
Geda bixidda maansada haddaan, furo garaarkeeda

Gobeey nabaddu waa geed hadhloo, gogoli taallaaye
Waa geed Ilaah kugu gallado, jeeraad garataane
Waa geed barwaaqada gun dhiga, gaaliyo Islaame
Waa geed adduunyada gadh wada, nolol la guuraaye
Waa geed ciddii garanaysaa, gaar u dhaqataaye
Waa geed midhaa laga gurtaa, goor la joogaba e
Waa geedka gumariyo dadnimo, qaran ku gaadhaye
Waa geedka liibaanta iyo, gudasho diineede
Waa geedka gabbal ba’as udumay, duulka gaasira e
Waa geedka aqoontii gabtaa, dib u gumawdaaye
Gudinta iyo waxaa laga jiraa, eebo ruux ganaye
Goyntiisa waa loo go’aaye, ha u garaaddayne
Gucdurka iyo colaadaha majiro, ruux ku gelayaaye
Qudhaanjaduna hadday waydo gelin, way ka gurataaye
Gurgurshaaga qaaday u tahay, Geeddi nololeede

Waa gallad badhaadhaha siddoo, gobi faantaaye
Gal xareeda weeyoon gudhayn, gu’iyo jiilaale
Durdur aan go’ay iyo Jannay, gees ka noqotaaye
Gacan Webi nin haystaa gudbada, beer gasiin wacane
Wiil kastoo guhaadshaa ma dego, jeexyo geedo lehe
Gawraceeda duulkii badshaa, gaadhi Waa libine
Godobteedu digay kula gashaa, raran gujeeyoowe

Wixii kaa gedmaday eed gu’ kale, gaadhi kari waydo
Baad gadaal ka tawdaa ladhkana, gocasha ooydaaye
Gumarada adduunyada haddii, laysu wada geeyo
Waa nin gaadhi waayiyo nimaan, garannin waageede

Geeluba xasili waa hadduu, dhuug ganaa wado e
Waxa Qaranka guul waarta iyo, nolosha gaadhsiiya
Waa gar-soor gadh-qaadiyo sinnaan, loo gudboon yahaye
Gees kalood u gudubtaaba waa, sii gafuur jebine
Gawska iyo hadday kala gurtaan, gobolyo reeraysi
Ay qabyaalad guuniyo gataan, garasho iimowday
Gonddaha iyo hadday labada law, hoos u kala guurto
Guul darriyo waqood kama baxaan, Guri cas boodh yaalle
Geesna kuma badbaadaan ifkiyo, goobta aakhiro e

Godkaasaad shaxdii eedday hore, geeddigii shalaye
Gurgurshaaga waataad mindida, gawrac mariseene
Dhiiggii gororay gunaadkii wataa, loo ged tiriyaaye
Raggii go’ay iyo geesigii wakaa, gigan xabaalaaye 
Gumarada iyo aayaha inaad, gadatid waa ceebe
Garaadkaaga lama eersadee, hays gunaanadin.

Dhammaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso