Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka Heerka Wasiir ee Hal-abuurka Afrika

(Accra – Ghana, 5 Diseembar 2019) Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane C/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeybgalaya shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Afrika, kaas oo maanta ka furmay magaalada Accra, caasimadda dalka Ghana.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada isgaarsiinta iyo waxbarashada ee dalalka qaaradda Afrika, waxaa furay Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, oo dalkiisu sanadkan martigelinayo shirkan. Madaxweynaha oo la hadlayay wufuudda kala duwan ee shirka ka soo qeybgashay ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika uu ku xiran yahay hadba sidii loo horumariyo teknolojiyada iyo waxbarashada.

Wasiiru-dawlaha oo ka hadlayay ahmiyadda shirkan u leeyahay dalka ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu ku jiro sidii loo baahin lahaa aqoonta teknolojiyada (digital literacy) si dadweynuhu uga faa’iideysan karaan adeegyada teknoolojiyadeed ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan Golaha Wasiirrada xukuumadda uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii loo baahin lahaa waxbarashada loo adeegsanayo teknolojiyada (e-education), iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan dugsiyada sare ee dalka ay helaan adeegga internet-ka, iyadoo taasi Wasaaradda Boostadu kala shaqeyneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare.

“Dalkeena ma horumari karo teknolojiyad ahaan haddii aan la dhisin aqoonta dadkeena ee teknolojiyada, waayo haddii uu adeegga jiro, balse aysan dadku aqoonin way adkaaneysaa in ay ka faa’iideystaan adeegyadaasi. Sidaasi darteed waxaan ugu baaqeynaa shirkadaha, hay’adaha horumarinta ka shaqeeya iyo dalalka aan saaxiibada nahayba inay nagala shaqeeyaan sidii loo baahin lahaa aqoontaas,” ayuu yiri wasiiru-dawlaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso