Xoghayaha Guud ee QM oo Qoddob Somaliland Khuseeya ka Horjeediyey Golaha Ammaanka

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres, ayaa warbixin dheer  oo uu ka jeediyey Golaha Ammaanka 2dii Bishan December, waxa uu ku soo qaaday qoddob ku saabsan Jamhuuriyadda  Somaliland.

Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa uu kaga hadlay wax loogu yeedhay geedi-socodka iyo horumarka Soomaaliya, waxase ku jiray qoddob khuseeya Somaliland oo Xoghayaha Guud uga warramay Golaha Ammaanka.

Warbixinta António Guterres oo la sheegay in la diyaariyey muddadii u dhexaysay  5tii Bishii August ilaa 4 November ee sannadkan. Waxaanu tilmaamay inuu dhicisoobay mooshinkii la doonayey in lagu kordhiyo xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Mooshin lagu doonayey in wax lagaga beddelo Xeerka Doorashooyinka, isla markaana lagu  kordhin lahaa xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo 7dii Xubnood laga dhigayey Sagaal Xubnood ayaa guul-daraystay.”

“Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku guubaabiyey xisbiyada mucaaridka  in doorashada Baarlamaanka lagu galo  7dii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka si hore loogu sii socdo,”ayuu yidhi António Guterres.

Waxa kaloo Xoghayaha Guud QM uu warbixintiisa intaas ku daray 6dii October ee la soo dhaafay, wadaxaajood uu la yeeshay waxgarad beeleed kadib madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyey dhammaan xubnaha la socday Col. Siciid Cawil Caare oo ka falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland sannadkii 2018kii.

Cumar Maxamed Faarax

Advertisement

Ku Xayeysiiso