Boqorka Sucuudiga oo martiqaad u diray dhigiisa Qatar

Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday in martiqaad rasmi ah ay ka heshay Hoggaamiyaha Boqortooyada Sacuudiga oo ah dal khilaaf xooggan kala dhaxeeyo muddo sedax sanadood ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in Salmaan Bin C/Caziiz oo ah boqorka Sacuudiga uu marti qaad rasmi ah ufidiyay Tamiim Bin Xamad oo ah amiirka dowladda Qadar.

Dowladda Sacuudiga ayaa amiirka Qadar ku martiqaaday in uu ka qeyb galo shirka 40aad ee golaha iskaashiga dowladaha Khaliijka kaas oo 10-ka bishaan ka furmi doono magaalada Riyaadh.

Cabdi Ladiif Alzayaani oo ah xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga Khaliijka ayaa shalay booqday magaalada Dooxa isagoo farriin uu ka siday boqorka Sacuudiga ugudbiyay dowladda Qadar.

Lama oga in madaxda xukuumadda Dooxa ay shirka Sacuudiga ka dhacaya xaadiri doonaan iyo inkale, dowlado ay kamid yihiin Imaaraatka Carabta,Sacuudiga iyo Masar ayaa sanaddii 2017 hareerayn dhan walba ah kusoo rogay xukuumadda Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto waxa loogu yeedho Argagaxisada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso