Saylici oo Xadhiga ka Jaray cusbitalka Adal International Hospital ee Jaamacada Culuumta Adal Medical Univeristy

03-12-2019-(THN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)oo uu weheliyo Wasiirka wasaarada horumainta Caafimaadka ayaa maanta xadhiga ka jarey cusbitalka Adal International Hospital ee Jaamacada Culuumta Adal Medical Univeristy kaas oo laga dhisay Magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

Waxana ka soo qaybgaley masuuliyiinta Jaamacada Culuumta caafimaadke Adal Medical University, madaxdhaqameedka, maamulka gobolka heer gobol iyo ka degmada, masuuliyiin, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan .

Gudoomiyaha Jaamacada culuumta Caafimaadka Adal Medical University iyo Madaxdii ka soo qaybgashey ayaa ka hadley ahmiyada uu cusbitalka xambaarsanyahey iyo in uu dabooli doono baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka iyo dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso