Meherad Ganacsi oo ku Gubatay Xaafada Jigjiga yar ee Magaalada Hargeysa iyo Ciidanka Dab-demiska

Hargeysa (THN) 29/11/2019_ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab qabsaday Meherad lagu iibiyo Roodhida iyo Macmacaanka oo ku taala Xaafada Jigjiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaa ka xakameeyaan kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay oo ahayd goobta lagu kariyo cuntada.

Dabkan ayaan sababin khasaare dhimasho iyo dhaawac toona, waxaana ciidamada Dab-demisku badbaadiyeen hanti aad u badan oo dhex taallay meheradaas.

Hawlgalkan waxaa u soo gurmaday Ciidamada Dab-demiska ee Taliska guud iyo Saldhiga Ciidanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Sababta dabkan gubtay ayaa ilaa hadda gacanta lagu hayaa, sidoo kale Maamulka Degmada ayaa iyaguna dhankooda  kala shaqeeyay ciidanka daminta dabkan.

Meheradan ayaa waxaa lahaa qolo ajaaniba oo u dhalatay waddanka Yemen.

 

Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso