” Madaxweyne Farmaajo Ciidan kan Itoobiya ayuu u jecel yahey adeegsigiisa, Dal loo safrana Itoobiya ayuu u jecel yahey”, Xildhibaan Fiqi


Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka Tirsan Baarlamaanka Dalkaasi Somalia ayaa sheegay in Farmaajo uu u jeelan yahay maxabo iyo kalgacalna u hayo Itoobiya waxaanu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray una dhignaa sidatan:-

Madaxweyne Farmaajo Ciidan kan Itoobiya ayuu u jecel yahey adeegsigiisa, Dal loo safrana Itoobiya ayuu u jecel yahey, sanadkaan kaliya in ka badan 5 jeer ayuu isaga daba noqdey, gobolada dalka uu madaxda ka yahey goor ugu danbeysay booqashadooda lama garanayo, marka laga reebo Beledweyne oo uu ku sugnaa 2 saacadood oo lugaha biyihii fatahaadda uu soo galiyey.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dh-Mareeb la geeyey waxey daliil cad u tahay sida uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu loogayo ciidamada dal kale ogolaanshihiisa in ay ku qabsadaan magaalooyin Soomaaliyeed, Baydhabo oo sanadkii hore aheyd, Kismaayo oo la isku dayey In Kumaandoosta Itoobiya laga soo dejiyo si doorashadii halkaas ka dhacaysay loogu afduubo, Gedo ayuuuu hadda u adeegsanayaa iyo Dh-Mareeb oo aan baahi looga qabin ciidamadaas oo lagu daabulayo, ayadoo taliyaha ciidamada Itoobiya maalin kasta wararka ka soo baxaya la wada og yahey asagoo leh “Bedweynta Hindiya” in Itoobiya qeyb ay ka weydo xaq ma ahan!

Md. Farmaajo cidna lagama aqbali doono dalkaan inuu ciidan iyo lacag shisheeye si jajuub ugu qabsado asagoo ay cadaatay in wadaniyadiisii halku-dhigyada aheyd ay kashifantey, cid kasta oo wadaniyad iyo erayo wanaagsan ku taageertayna ay arkayaan maanta in Md. Farmaajo la soo baxey dhaqankii qabqablayaashii dagaalka oo kale oo mar walba dalka u soo horkici jirey ciidamo Itoobiyaan ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso