ma ku fadhiyi kartaa kursi aan adimo lahayn Madaxwayne . W.Q:.Abdirashid Muse Adan.

Waxaan xasuustay sheeko bari hore dhacday, Nin Hurdada Gami waayay oo Khaakhaayiray isagoo Leh Sariirta hoosteeda ayay wax ka sanqadhayaan oo aan ka seexan waayay.

Ninkii wuxuu bookhday nin wax daweeya oo dhakhtar ah, waxaanu usheegay Xaaladiisa iyo inuu hurdo seexan-waayay , ninkii dhakhtarka ahaa wuxuu ku xidhay in uu lacag yar iska bixiyo isna uu dawayn doono waanu ka aqbalay laakiinse wuu kasoo noqday isagoo aan wax dawo ah ka qaadan.!

Mudo kadib ninkii saaxanwayay oo talooyin badan lasiiyay kuna qanciwayay seexan waana hayo, ayaa waxaa kasoo horbaxay dhakhatarkii uu hore ugu tagay.

Wuxuu waydiidyay maxaa ku helay ee aad usoo noqonwayday sawdigii hurdo la aanta ka cabanaayay ?.

Wuxuu ugu jawaabay iska dhaaf waxaan helay nin farsamo-yaqaana oo farsamo kale ii sheegay . 
Wuxuu su’aalay muxuu kuu sheegay ?!

Wuxuu ku jawabay – Sariirtii Ayaan isu gaabiyay oo aan lugihii ka jaray si aan laygu hoos galin sanqadh dambana aan loogu maqal.

Wuxuu markale lawaydiiyay imika maku gamaday hurdadii sariirtii aad dhulka dhigtay ee aad laguha ka goy-say ?.

Wuxuu ku jawaabay waan eegayaa inaan ku gamo.!

Waxaan uga socdaa hadii la laalay qayb ka mida Shuruucdii Dalka oo la isu gaa-gaabiyay isla markaana laga madax Adaygay talooyinkii waayeelka Somaliland.
madaxwayne #Biixi malah waxa uu eegayaa inuu ku Fadhiyi karo Kursi bilaa Adimo ah , Sidii sariirtii lugaha laga jaray ee uu ninkaasi Xalka mooday ee uu Hurdada ka baadhayay.

W.Q:.Abdirashid Muse Adan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso