Handaraabkii oo dalkii ka Hawl galay

Mudo kooban ka Dib markii uu xilka la wareegay, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa Dalka kusoo korodhay kala xidh xidhnaan iyo xayirnaan laamaha Dowladda iyo shacabkii Dalka, taas oo suragal noqon weydey siddii uu muwaadin uga soo fushan lahaa hawlaha ka gala laamaha dawlada, oo waxa dhacday in wakaaladihii iyo haayadihii dowliga ahaa ay albaabadii hoosta ka soo xidheen, waana ta sababtay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ku nisbeeyeen kala xidhankaa mid uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  ku xidhay handaraabyo laamaha xukuumadiisa ha ugu horeeyaan ilaha dhaqaaluhu, sikastaba ha ahaa tee waxa isasoo taraaya dhacdooyin handaraabyo oo ka dhacaya Dalka, haddii xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi lagu naaneysay HANDARAAB kaftanka siyaasada, maanta Waxaan caano iyo nabad ahaynba waa lakala qaadaaye, sharci dejintii baarlamaanka waatii hoosta laga handaraabay ee xildhibaano laga xidhay. 

Odayadii guurdida ahaa ee cisiga, maamuuska, odaytinimada iyo qadarinta lahaa ee ka aramin jiray aqalka ugu Sareeyey qaran, soo hoosta lagama soo handaraaban, oo Waayeel xildhibaano Golaha Guurtida ah oo cisi iyo sharaf ku leh qaranka layskama hortaagin golihii ay ka midka ahaayeen, haddal iyo dhamaan waxa xaqiiqo ah in uu Handaraabkii dalkii ku faafay oo xukuumaddii laamihii dawliga ahaa ee sharciyan ka Madax banaanaa dawlada ay handaraabyadii lawada tiigsatay oo quful ugu dartay, oo guurtidii iyo baarlamaankii labadaba la handaraabtay hubaal waa qaran dumis, xuquuqdii muwaadiniinta waa la handaraabtay kol haddii hanjabaad iyo gacan bir ah baa laysku qabanayaa xaal maraayo, oo sharcibaa lala tiigsan ama la marin aanay jirin, oo inuu wadanku sharci leeyahay la sheegin se cudud iyo xoog lagu baanaayo waa maan guracan  iyo Xukuumad dhoohan, waayo codshacab inay ku timid malaha wey ogtahay se inay cod shacab lagu ridi karo moogan!, Handaraabkii Dalkii ka Hawl gelisaye, ee Bal gacmaha biraha ahna lasoo kala bax dhab haw baraarugto bulshadan hurudaaye. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso