Israel oo masaafurisay sarkaal ka tirsan Hey’adda Xuquuqda ee Human Rights Watch  

Xukuumadda Israel ayaa masaafurisay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda xuquuqda Insaanka ee Human Rights Watch,kas oo lagu eedeeyay inuu taageeray olole lagu qaadacayo  alaabada u soo daga iyo adeegyada kale ee ay dhoofiyaasn.

Talaabada lagu eryay Agaasimaha hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa lagu micneyay in ay waafaqsan tahay sharciga Israa’iil ee ee soo baxay sanadkii 2017, kaas oo xannibaya gelitaanka dadka si guud u taageera dhaqdhaqaaqyada looga horjeedo dadka Yuhuudda,isla markaana lagu taageeraayo dadka reer Falastiin ee ku howlan kacdoonadaa ay isaga dul kicinayaan Israa’iiliyiinta ku soo duulay.

Sanadkii 2016-ki Hey’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch waxay ugu baaqday in la joojiyo ganacsiga la xiriira dhismooyinka sharci darada ah ee Israel ay ka waddo dhinaca ay maamulaan ee daanta galbeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso