Mareykanka iyo K/Kuuriya oo dib u dhigay dhoolatus ciidan

Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa dib u dhigay dhoolatus ciidan oo ay dhaleeceeyeen Kuuriyada Waqooyi,kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo la doonayo in lagu xoojiyo dadaalka nabadeed ee socda.

Dhawaaqaan ayaa yimid manta oo Axad ah , ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay dhowaan ku hanjabtay inay aargoosaneyso haddii dhoolatuska ciidan ee la qorsheeyay dabayaaqada bishan ay ku dhaqaaqaan Mareykanka iyo K/Kuuriya.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper oo ka qeybgalay shir magaalada Bangkok  ee dalka Thailand’s  uga socday Wasiirada Gaashaandhigga dalalka Aasiya,ayaa sheegay in tallaabada dib u dhigista uusan u arki wax tanaasul ah,bale uu u arko dadaal lagu xoojinaayo nabadda.

Seoul iyo Washington ayaa dib u dhaleeceeyay howsha dhawaanta, waxayna beddeleen magaca, laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag u diidan, iyagoo ugu yeeray caddeyn muujineysa inaysan dan ka jirin hagaajinta xiriirka.

Xukuumadda Pyongyang waxay si joogto ah uga soo horjeeddaa dhoolatuska militariga Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ,iyadoo u aragta colaad yo uulaan ka dhan ah.

Kuuriyada Woqooyi ayaa dooneysaa in la qaado cunaqabateynta saran, laakiin Mareykanka ayaa ku adkeystay marka hore  in Mr.Kim uu joojiyo barnaamijkiisa hubka nukliyeerka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso