MADAXWAYNE WAA IN AYNAAN ADUUNKA IS BARBAR DHIGIN HADII AYNAAN KHILAAFYADA INA SOO MARA UMAD WAX KA BARATA AHEYN !!!

MADAXWAYNE WAA IN AYNAAN ADUUNKA IS BARBAR DHIGIN HADII AYNAAN KHILAAFYADA WAXBA KA BARANAYN INAGU !!!

Waxa aan daawaday madaxweynaha somaliland oo ka hadlaya xaaladaha dalka , muranada iyo khilaafyada siyaasadeed iyo rejada somaliland oo aad ugu niux-nuuxsanaya wax badan isaga oo is barbardhig ku sameynaya aduunka kale somaliland iyo gobolka geeska Africa isaga oo khilaafka ka hadlayana leh aduunka oo dhami dawladaha waxa ay u sameysteen in ay khilaafka xaliso oo nolosha ayuu qayb ka yahay khilaafku oo ilaa qoysaska iyo dadka is dhalay ayuu ka dhex dhacaa oo waa wax caadi ah.

Hadalka madaxweynaha sadex qodob waan kaga  waafaqsanahay; b) in ay Somaliland Gobolka ay ku taalo iyada oo aan cidi caawin hadana kaga horeyso wax badan , t) iyo in aynu Somaliland ku taalo bugcad quman oo aduunka oo dhan halbowle u ah oo la wada danaynayo iyo j) ta ugu dambaysa oo ah in aan la rejo dhigin ee marwalba wanaaga iyo in aynu hore u soconayno aaminsanaano oo aynaan la werwerin mustaqbalka .

 Madaxwayne haseyeeshee waxa aan is leeyahay inta garashadayda iyo inta kooban ee aan u soo joogay aan ka qaatay inaga iyo aduunku waxa aynu ku kala duwanahay arimahaa khilaafka laba qodob ;-

1- Aduunku khilaafka soo mara wax buu ka bartaa oo marka uu isagii oo kale soo maro ayey uga faaiideystaan xalka khilaafkii hore lagu xaliyey iyo dariiqii loo maray , laakiin somaliland waxba kama barano oo khilaafka laftiisii ayuun baa inagu soo nownoqda , inta aan garanayo na muranada xubnaha komishanka doorashooyinku waa iskuwada mid oo qaladaad hore loo galay ayuun baynu ku celcelinaa.

2- Aduunka kale hogaanku umadu khilaafka ma abuuro ee waxa uu xoogaa saaraa sidii xalka khilaafka loo maareyn lahaa iyo waliba sidii aanu khilaafba waxa uu ku imanayo la isaga ilaalin lahaa , madaxwayne Riyaale ilaa Madaxwayne Biixi waxa aad moodaa in khilaafka iyo waxa la isku diidayo uu hogaanku isagu abuuroba , hadana khaladkii oo muuqda oo ku soo indho cadaado in uu difaaco isaga oo is leh awoodaada hogaamineed ayaa daciifaysa hadaad ka noqoto go’aanka aad qaadatay , laakiin waxa ka wanaagsan in aad waxa khilaafka abuuraya aad adigu isaga ilaaliso marka horeba.

Markaa waxa ay ila tahay in aynaan is barbar dhigin aduunka maadaama aynaan muranada iyo khilaafyada sharci , siyaasadeed , dhaqameed , nololeed waxba ka baraynin oo isla khilaafyadii hore uun inagu soo noqnoqanayaan marwalba…

Muhamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama

Advertisement

Ku Xayeysiiso