Maxkamadda ICC oo ogolaatay in la baaro xasuuqii loo geystay muslimiinta Mayanmar

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa oggolaatay in baadhitaan buuxa lagu sameeyo dambiyada lagu soo eedeeyay dowladda Myanmar ee ku saabsan xasuuqa loo geystay  dadka Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine.

Garsoorayaasha maxkamada ICC ayaa maalinimadii shalay  taageeray codsi dacwad oogayaasha ee la xidhiidha in la baadho eedeymaha loo heysto xukuumadda Barma e ku aadan gaboodfalka dhanka aadanaha ah iyo xasuuqii ciidamada Mileteriga ay ku daadiyeen dhiigga faraha badan ee dadka Rohingya .

in ka badan 740,000 Rohingya ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan  deegaankooda,una baxsadaan gudaha dalka Bangaladesh,taasoo Qaramada Midoobay ay falkaasi ku sheegtay ama ku tilmaantay in uu ka dhigan yahay xasuuq iyo dambiyo dagaal.

Bisha Sebtember Sanadkii 2018-kii Xeer ilaaliyaha guud ee ICC Fatou Bensouda  ayaa loo ogolaaday in ay  furto baadhitaan hordhac ah oo ku socda dowladda,waxayna isla markiiba dalbatay in la bilaabo baadhitaanno dhameystiran.

Qaar ka mid ah dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa horay u bilaabay cunaqabateyn dhanka safarka ah iyo hakin hantida  madax ka tirsan ciidamada Mayanmar iyo siyaasiyiin kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso