Gudaha ka akhri: Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Oo Soo Saaray War-murtiyeed Ay Arimo Dhawra Kaga Hadleen

 

Hargeysa( THN )- Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, Sabawanaag iyo Cadaadley oo shir-weyne balaadhan maanta iskugu yimi xarunta guud ee Gudidu ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa ay iska xaal-wareysteen xaalada guud ee dalka iyo sida ay beeshu uga qaadan lahayd kaalinteeda kaga aadan.

Shirkan oo ah mid todobaadle ah oo ay todobaadkiiba hal mar ku kulanto ayaa ugu horeyn waxa ay hambalyo u direen Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin rag karti iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacabay.

Gudida ayaa sidoo kale cambaareeyey koox sheegatay

madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha oo ku hadashay magaca reerka. War-murtiyeed ay Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa kazoo saartay arimahan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

War-murtiyeed

 

Shirkii todobaad-laha ahaa ee Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , oo maanta ka qabsoomay Guriga Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , ayaa waxa ay Gudidu ugu horeyn Hambalyo u diraysaa Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin rag khibrad iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacay.

Gudidu waxa ay cambaaraynaysaa isla markaasina ay beeninaysaa koox sheegatay Cuqaasha iyo madax-dhaqameedka beesha, isla markaasina sheegtay inay ku hadlayaan magaca beesha, Hadaba Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka beeninaysaa kooxdaas is magacawday ee sheegatay inay ku hadlayaan afka beesha kuwaasi oo aanu halkan ka cadaynayno in aanay ku hadli Karin magaca Beesha.

Guntii iyo Gunaanadkii Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka cadaynaysaa in cid aan ahayn Gudidan  Beeshau kusoo dooratay shir-weynihii ay dhawaan ku yeelatay Degmada Cadaadley aanay ku hadli Karin magaca iyo afka beesha

Allaa Mahad Leh

 

Xoghayaha Guud Ee Gudida

Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa

Khadar Ciise Cabdi

Advertisement

Ku Xayeysiiso