13 Noofanbar 2017  Maalintii Madoobayd

Dadka reer Somaliland waa dad uur xaadhan oo calool ku sid lahayn, siddaa awgeed, waa dad aan xusuusta waayaha aad u kaydin, oo ilowshiyo dhow, oo dhakhso u ilaawa dhacdooyinka soomara, sikastoy u hoog iyo halaag badan yihiinba, 

Ayaamo tegey xusuus hadaan Dib u gocono wakhtigii 1960kii Jamhuuriyada Somaliland xornimada qaadatay, ee 26kii juun, 1dii luulyo la siistay, markii reer Somaliland iyaga oo ahaa Dalkii Soomaali ugu hor xoroobay, se waxay ka ahaydba waa kuwii dowladoodii xamar oon xor ahayn kula cararay, qaladkaa wixii ka gaadhay, taariikhduu ku xusan yahay, se nasiib daro waayo aragnimo kamay korrodhsan wakhtigii qadhaadhaa iyo waayo wuxuu baday Kacaankii, marnaba may darsin duruufaha wax sababay iyo siday uga foojignaan lahaayeen ilaahay baan qaldamine qalad danbe, laakiin waxa wax laga xumaado ah sidda shacabku wax ma dhaadayaal dhiilada qarsada u noqdeen, Taasna waxa cadaynaysa sidda reer Somaliland ay 13 Noofanbar 2017kii u galeen qaladkaa qaladka ka weyn ee cawaaqib xumada ku keeni kara ama curdin-dhadhinkara Jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland ee ictiraafka u jeelan, waa Maalintii madaxweynaha laga dhigay Mudane Muuse Biixi Cabdi, waayo, waxa layidhi “ninkaad kabo katolonayso kabihiisaa la eegaa” oo siddoo kale Ninka taariikhdiisu xun tahay xil looma dhiibo, se loo dhiib oo wakaa Muuse, durba wadankii kaga JAQAAQ siiyey. 

Mudane Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waana Gudoomiyaha xisbul Xaakumka Kulmiye, maantana wuxuu ku laba jirsaday guudka kursiga Qaranka looga taliyo, mudo xileedkii loo igmaday durba laba kasoo laac, kii Saddexaadna maanta kow yidhi, se waa meel ilaahay wax ka wado iyo imtaxaan eebee,  Muuse waa kuma? 

1.Muuse waa askari, aan jeclayn toosin iyo talo wadaag, keligii qumane ah, oo sax iyo qalad amarkiisu inuu meel maro jecel, siddaa laajigeed maaha ruux Dumuqraadiyada la jaan qaadi kara, oo waa ku cayn gown, rajada qadiyada Jamhuuriyad Somaliland ee caddaalada iyo Dumuqraadiyada ku dhisan, ee Somaliland kusoo caano maashay. 

2, Muuse waxa uu ka mid ahaa Dhalintii hanaqaaday wakhtigii dawladii Kacaanka milatariga shuuciga ahaa uu awooda iyo qoriga caaradiisa dalka ku haystey, waa ardaydii ku hanaqaaday fikirka milatari shuuciyeysan ee dugsiyada lagu dhigi jiray, kuna kacay oo ku kacaamay mabaadi’dii Kacaankii shuuciga ahaa, waxaana indhaha u jeexay oo ku tabcay oo wax baray xukuumaddii Kacaanka, waxa u yeelay maamuuskii iyo qadarintii ugu horaysay Kacaankii, oo darajo ku taxay oo sarkaal lasalaamana ka dhigay, waa Kacaankii wixii maamul dawladeed ku gardaadiyey ee masuul meel haysta oo Madax ah ka dhigay, Xeer iyo shuruuc maamulkii xasiliyey ee ninka mudakarka ah ee xilqaadka ah ka dhigay waa Kacaankii, markaa ruuxa siddaa Made in Kacaanka ah haddii Madaxweyne loo igmado waa Kacaankii oo Dib loo igmaday, 

3,Muuse mudo ayuu jabhad soo ahaa siddaa laajigeed xeerarka caalamiga ah ee aduunka u yaala, waxay dhigayaan in Hadduu ruux dagaal galo ay maskaxdiisu doorsoonto siddaa laajigeed aan xilka qaran ugu sareeya loo dhiibi karin, haduu jabhad noqdana xil iska daaye aan Dadka in lagu sii dhex daayo aanay haboonayn oo meel lagu xanaaneeyo noloshiisa, Maxaa yeeley maamul dumiye maamul dhise ma noqdo. 

4,Muuse waa ninkii SNM tii faldanbiyeedka xun ku kacay ee jidgooyada u galay ee qoriga ku qabtey gudoomiyihii SNM Mudane Axmed MaxAmed Siilaanyo, ruux xasilooni daro ku kacay Madaxweyne ma geyo. 

5,Muuse sidda wax loo mucaarado mooyee sidda wa loo muxaafadeeyo ma yaqaan oo kaga soo bilow

AXMED SIILAANYO SNMta Markuu Gudoomiyaha ka ahaa, Muuse waa tuu mucaaradka ku ahaa ee weliba falalka xun ku kacay, 

C/RAXMAAN TUUR madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland waakii ku mucaariday isaga oo xukunka talada hayey uu SNM oo uu ka midka ahaa uu ahaa.,

MAXAMED X I Cigaal waataynu ogayn sidduu ugu macaaridi jiray ee uu makarafoonka uu u dabo Sidan jiray. 

DAAHIR RIYAALE wakhtigiisii siduu Afka u furanjiray ee wax shacabka dhiilo kala geliya ugu tiraabi jiray ee uu u hanjabi jiray. 

AXMED SIILAANYO waxaynu kawada dheregsan nahay Muuse isaga oo dowladaa gudoomiyihii xisbul xaakim ahaa siduu u mucaaridi jiray una argagax gelin jiray intuu dhalinyaro rashash u dhiibo, markaa Somaliland u halgankeedii ilaa intay jiray Xukuumad walba Mucaarad buu ku ahaa, kolkaa ruux qaranka Mucaarad uun ku ahaa xitaa iyadoo asxaab mucaarid ahi jirin, haddii Madaxweyne laga dhigo kun mucaarid ayuu sababaa inay samaysmaan,

6,Muuse dagaaladii sokeeye ayuu si cad u soo saftay, oo weliba Gole kaga baanay weedho xanaf leh, taa awgeed suurto gal maaha in Ummadu dhex u aragto. 

Dhanka kale Mudane Muuse waa nin ku xeel dheer oo xariif ku ah sidda maamul loo dumiyo iyo sidda loogu mucaarado, haddii runta laga hadlaayo, Muuse ma yaqaano sidda qaran loo dhiso iyo sidda qalad loo saxo toona, 

Hadal iyo dhamaan sanadguuradii Labaad ee Maalintii Madoobayd, wakaa dalkii oo dhan mugdigii wada saaqay ee  jamhuuriyadii barakaysnayd dhiiladu kasoo wada yeedheyso cidhif ilaa cidhif, ee caddaaladii, sharci ku dhaqankii iyo wax wada lahaanshihii meesha ka baxay,

Ee kaliftay inay muwaadiniintii wadanka lahaa kala irdhoobaan dabkana boobaan, 

Khaatumo ka huleeshay oo Sanaag bari kabaha waa kuwii ka iladay, jabhadii CAARE ee bari tiil ee caddaalad u dirirka ahaydna, jabhad kale oo CAWAALE la yidhaa oo caddaalad u diriraa galbeed laga iclaamiyey, xorriyadii hadalka iyo qoraalka oo la madnuucday oo heer la maraayo in muwaadiniintii Facebook ayaad Wax ku qorteen lagu xidhaayo, Bal ayaandarada jirta, muwaadiniintii oo dhulkoodii laga boobo, hantidoodiina la burburiyo, in milatari tabtii Kacaanka wadooyinka lasoo dhoobo si shacabka loo cabsi geliyo oo lagu amarkutaagleeyo, in Garsoorkii uu gebi ahaan howl gabay, oo amar kutaalayn qayaxan iyo tayda midaan ahayn Jid maaha lagu dhaqmaayo, dalkii iyo jamhuuriyadii barakaysnayd xaalkeedu Halkuu maanta maraayo, waa alow sahal, Maanta maalinteedii 13kii Noofanbar 2017 Maalintii Madoobayd weeye sababtuye alow sahal, Aamiin. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso