Madaxweynaha Shiinaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Giriigga

Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay hormuud ka yihiin madaxda dalkaasi.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadaneysa muddo 3-cisho ah ,waxaa inta uu joogo dalka Giriigga uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa  sidii loo adkeyn lahaa  xiriirka labada dal iyo  iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaalaha ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Shiinaha wxa uu mudada uu joogo dalka Girigga uu boooqan  doonaa dekada Piraeus oo ay maamusho shirkada shixnadaha Cosco  ee ay leeyihiin Shiinaha .

Waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 10 alaabada dalka Shiinaha uu u dhoofiyo dalalka Yurub,waxa ay sii maraan dekedda Piraeus oo kulaasha biyaha badda Meditareeniyamka

Advertisement

Ku Xayeysiiso