Khudbad Sheekh Dirir kaga hadlay musuqmaasuqa iyo sida looga tawban keeni karo xatooyada xoolaha ummadda

Sheekh Dirir oo Khudbad Kaga Hadlay Qaababka Kala Duwan ee loo Sameeyo Musuqmaasuqa iyo Sida Looga Tawbad Keeni Karo Xatooyada Xoolaha Ummadda

Hargeysa (THN)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa la wadaagay bulshada sida ay xaaran u tahay in lagu xad-gudbo, sifo gaar ah oo xatooyo ahna loogu qaato xoolaha danta guud ah ee ka wada dhexeeya ummadda.

Sheekh Dirir oo  khudbad ka jeediyey Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, waxa uu si guud ugaga hadlay boobka lagu hayo hantida danta guud ah, isagoo soo bandhigay qaababka kala duwan ee loogu tagri-falo hantida dadku wada leeyihiin iyo sida ay shareecada islaamku u xaaraantimaysay in si gaar ah loogu xad-gudbo xoolaha dadweynaha ka dhexeeya.

“Walaalayaal, waxaynu khudbadeennan kaga hadli doonaa, iskuna wacyigelin doonaa Insha Allaah inay xaaraan tahay in lagu xad-gudbo xoolaha ka dhexeeya ummadda oo aanay Xukuumadna ku xad-gudbi karin, dadweynuhuna aanay ku xad-gudbi karin, waana arrin casrigan (xiligan) aynu joogno u baahan wacyigelin weyn, haddii la eego miyiga iyo haddii la eego magaaladaba, haddii la eego madaxda iyo haddii la eego raciyaddaba (shicibka). Waxa had iyo jeer ummadda ka dhexeeya ee loo yaqaan hantida dadweynaha ama loo yaqaan khayraadka iyo hantida uu llaahay ku galladay ummadda ee ka wada dhexeeya dadka casrigan aynu joogno meel xun ayaa lala marayaa, sidaa darteed way mudan tahay in aynu iskala taliyo oo inta ay goori goor tahay la sameeyo wacyigelin iyo nasteexo oo wixii ay diinteennu ka tidhi axkaam ahaan iyo fiqi ahaanba oo ah halka uu qaannuunka sharciga ah ka taagan yahay, sida uu u qabo iyo waxa uu islaamku ka yidhiba in aynu sheegno,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

“Waxa aynu ku soo koobsan doonaa lix qodob oo arrintan la xidhiidha Insha Allaah;

1.      Waxa ay shareecadu ka qabto in cid gaar ah isticmaasho wax ummadda ka dhexeeya oo maalkooda ah.

2.      Hababka loogu xad-gudbaa waa noocyadee

3.      Hantida la wada leeyahay in aynu tusaalayaal ka bixinno

4.      Asbaabaha ama sababaha keeni kara in lagu xad-gudbo xoolaha ummadda  ka dhexeeya

5.      Maxaa innagala gudban in aynu wada ilaalino xoolaha aynu wada leennahay

6.      Qofka ku dhagarooba ee qaatay ama ay gacantu ay kaga dhacday xoolaha ummaddu habka uu uga towbad keenayo

“qodobka ugu horeeya ee ah shareecadu maxay ka qabtaa qofka xoolaha ummadda ku xad-gudbay, haddii aynu ka hadalno Ilaahay (SWT) waxa uu qur’aanka kariimka ah ku tilmaamay oo aayadda 161-aad ee suuratul Al-imran qofka wax ka qaata xoolaha ummadda ka dhexeeya, waxaanna qofkaas magaciisa la yidhaahdaa ‘QAAL’ oo waa magac gaar ah oo ay tuugadu leedahay, tuugada noocaas ahna waxa la yidhaahdaa ‘QULUUL’ oo eray-bixintaas ayuu qur’aanku siiyey, ciqaabta uu leeyahayna Ilaahay ayaa ka waramay.

 Dadka qaarkood ayaa yidhi; ‘bahashii yarayd ee ahayd macawistii casayd ee aynu waynay markii qanniimada la soo ururinayey waxa laga yaabaa in Nebigu uu iska sii yara qaatay oo ay gacantu kaga dhacday.’ Ilaahay (SWT) ayaa soo jawaabay isagoo ceebta ka bari-yeelaya nabiga oo waxa uu aayadda 161aad  ee suuradda Al-cimraan uu ku yidhi; ‘nabi uma habboona inuu hantida ummadda wax ka qaato, qofka wax ka qaataan maalinta qiyaamaha ayuu isaga oo dusha ku sita uu keeni doonaa, markaa ayuu Ilaahay naf waliba wixii ay dulmido uu ka xisaabin doonaa.’ Markaa khalqiga oo taagan ayaa dhexdooda lagu fadeexadaynayaa.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo qaatay axaadiista kala duwan ee uu Nebi Muxamed (SCW) kaga hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin xoolaha ummadda oo la xado, waxaannu yidhi; “Rasuulku (SCW) mawqif adag ayuu iska taagi jiray isagoo xukunta ku caddaynaya xaaraantinimada arrintaas. Waxa la galay dagaal oo nin asxaabta ka mid ahaa ayaa si dhakhso ah u shahiiday ay xabbad seeraaro ah oo iska socotaa ay cuskatay…waxayna axsaabtii yidhaahdeen; ‘ninkaas isaga ah waannu hambalyeynaynaa shahiidnimada uu shahiiday daraadeed, welibana shaqaalihii nabigana wuu ahaa oo gaadiidkii Rasuulka ayaabu rarayey oo uu gacantiisa ku hayey.’ Ninkaas asxaabiga ah oo la odhan jiray Midcam oo waxa uu ahaa adoon loo soo hadiyadeeyey Rasuulka (SCW), markaa Nebigu waxa uu xadiid saxeex ah ku yidhi; “Maya, ha ka yaabina ee kaasi naar ayuu ku jiraaye kuma jiro janno, weligiiba ha ii shaqeeyo oo asxaabi ha ahaado (laakiin) qaniimadii la wada lahaa ee maalintii Khaybar oo aan la qaybin ayuu macawis yar ka qaatay oo tii ayaa imminka ku holcaysa oo Ilaahay i tusayaa.”

Waxaannu intaas ku daray; “Rasuulku waxa uu ummadda ka wacyigeliyey in xaaraan lagu qaato xoolaha ummadda ka wada dhexeeya oo si adag ayuu ula hadlay oo waxa uu yidhi; ‘waar dadyahaw aakhiro yaanan idinla kulmin iyadoo wixii aad xaddeen aad dusha ku sidataan.’ Markaa nabigu wuu sii faahfaahiyey waxa uu yidhi; “nin ayaa la imanaya neef adhi ah oo dushiisa ka ciyaya, farta ayuu ii taagayaa oo waxa uu leeyahay Rasuulkii Ilaahayoow ii gurmo oo Ilaahay iiga ergee.’ Markaa aniguna waxa aan odhanayaa ayuu nabigu yidhi; ‘wax alla wax aan kuu hayaa ma jirtee xoolaha dadweynaha in la cunaa inay xaaraan yihiin ifkii ayaan kuugu sheegay.’

Waxa uu Sheekh Dirir sheegay in Nebi Muxamed (SCW) uu axaadiis ku sheegay in maalinta qiyaamaha uu qof walba la iman doono isaga oo dusha ku sida wixii uu uu xaday iyo xoolihii ummadda ee uu lunsaday, haddii ay tahay xoolo nool iyo hantida kale ee moodka ah ee isugu jirta lacagta, dahabka iyo wax kasta oo uu xaday inta la joogo ifka, iyadoo uu Sheekh Dirir iftiimiyey in markii Nabigu uu hadalkaas sheegay in dadkii xatooyada sameeyey ay muujiyeen wixii ay xadeen, dibna u soo celiyeen.

“Rasuulku (SCW) wacyigaas markii uu ummadda u jeediyey ee uu sheegay inuu aakhirana ka bari noqonayo oo aannu cid wax xadday waxba u qaban karin, ninba wax ayuu keenay oo nin ayaa yidhi; ‘dee suunkan yar ayaan allaabtii ka qaatay oo wuu iska soo tuuray.’ Nebiguna wuxuu yidhi; “xabbad naar ah ayaad iska soo celisay…adna laba naarood ayaad iska soo celisay oo Alle ayaa ku badbaadiyey…’ oo nabigu qofkasta oo wax soo celiyey wuxuu u sheegayey inuu naar iska soo celiyey. Xukunka ay shareecadu ka qabto waxa weeyaan in waxa la wada leeyahay uu ka sii khatarsan yahay waxa gaarka loo leeyahay.”

Qodobka labaad: Xatooyadu noocee ayey noqon kartaa?

“Waxay noqon kartaa tusaale ahaan marka aad wax ka ammaahato bangiyada iyo wixii ummadda ka dhexeeyey in aad dayn bixi waydo oo aad tidhaahdo; ‘maanta ayaad fursad heshay ee kaba baxso oo ka dhaqaaji.’ Wayna dhacdaa in dadkeena qayb ka mid ah oo beryihii hore lacag ka ammaaday bangiyada oo adhiilayaal ha ahaadeen ama cid kaleba ha ahaadeen oo dowladdii hore (ee Soomaaliya) ee burburtay iyadoo lacag badan lagu leeyahay oo ah tobanaan kun ama boqolaal kun oo dollar oo daaro ka dhistay, beero ka samaystay, hanti ka maalgashaday (waxayna tahay oo waajib ah) in aad u sheegtaan oo waxan ay haystaan waxa weeyaan uun wixii ay lahaayeen dadkan ilaa hadda xooluhu ka maqan yihiin ee ay bangiyada lacago u yaaleen, markaa qofku waa inuu iska celiyo wixii aan ahayn intii uu lahaa oo qudha.

·        Waxa ka mid ah siyaabaha loo xadayo waxyaabo yaryar oo aanay dadku iskaba filayn oo ah saacadaha biyaha iyo saacadaha laydhka oo la joojiyo ama wax laga beddelo ama lacagta oo lala baxsado, waana wixii dadka ka dhexeeyey oo shirkaduhu ha lahaadeen ama Xukuumaddu ha lahaato, waxayna ka mid tahay noocyada tuugada ah ee dadkuna iskaba yara xaalaashadaan.

·        Waxa ka mid ah agabka loo isticmaalo shaqada ummadda ka dhexaysa ama shirkadaha ka dhexaysa, sida kombuutarada, telefoonnada, gaadiidka iyo waxyaabahaas oo dhan in danaha khaaska ah loo isticmaalo waa nooc xatooyo ah (laakiin) haddii aad shidaalka iska xisaabiso, lacagta halkaas kaaga baxdayna aad xisaabiso.

·        Waxa kaloo ka mid ah siyaabaha wax loo xado marka aad joogto meel dhexe oo aad dadka wax ka iibinayso ama Hay’ad ama Xukuumad ama Shirkad in cidda macmiisha ah ee kuu imanaysa aad wax ka qaado oo aad tidhaahdo; ‘haddii aanad wax i siinin, aniguna ku siin maayo mashruucan isaga ah ama aniga wax iga iibsan maysid ee cid wax i siinaysa ayaan ka iibin doonaa.’ Taasina way iska badan tahay muddooyinkan dambe oo waa wax caam iska noqdayba, waana nooc ka mid ah laaluushka.

·        Waxa ka mid ah waxyaabaha ay ummaddu wada leedahay oo ay dadku burburiyaan, waana arrin aad u cajiib ah oo dadku marka ay Xukuumadaha la coloobaan waxay iskaga rabbaysmaan in wixii dowlad ka soo jeeda ama sida caamka ah loo wada leeyahay in la xado ama la jajabiyo ama la burburiyo. Haddii ay dadku cadhoodaan waa laga yaabaa inay ka baydhaan waxa (hantida) uu qofka gaarka ah leeyahay, laakiin waxa la wada leeyahay in la burburiyo, taasina waxay ka mid tahay tacadiga iyo xad-gudubka hantida ummadda ka dhexaysay.

·        Waxa ka mid ah goobaha la wada leeyahay in lagu xad-gudbo, sida masaajidka oo kale oo kutubtiisa, gogoshiisa, cawihiisa iyo allaabta uu leeyahay in aanad qaadan karin, waana waqaf mucayin ah oo halkaas ayuu u gaar yahay, waxaanna loola dhaqmayaa sida agoonka oo agoonka wixiisa wax ayuunbaa loogu beddelaa.

Qodobka saddexaad: Xoolaha caamka ah ee la wada leeyahay noocyadee ayey noqonayaan?

“Xoolaha caamka ah waxa ka mid ah;

·        Masaajidada iyo goobaha waxbarashada, sida jaamacadaha, dugsiyada (schools), madaariska, macaahiidda diiniga ah, cusbitaallada, xannaanooyinka lagu daawaynayo ummadda kuwooda buka, meelaha agoonta lagu barbaariyo iyo dadka waaweyn, meelaha lagu qabto danaha guud oo dhan, sida waddooyinka oo waddadaas agteena ah waxay ka mid tahay hantida aynu wada leenahay oo guri aynu wada leenahay ayeyu dhigantaa, sidaa darted inuu qof gaar ah iska goosto ama uu iskaga shaqaysto ama xidho waxay ka dhigan tahay xoolihii ummadda oo uu boobay.

·        Waxa ka mid ah biriijyada, dekedaha, garoomada, goobaha lagu ciyaaro ee ay carruurteennu ku logo-fidsanayaan, waxa ka mid ah beeraha loogu talogalay in dadku ku nastaan.

·        Waxa ka mid ah macdanta ummadda ka dhexaysa, baadka ka baxaya baadiyaha, dhirta, sidaa darteed dadka qaarkood haddii ay macdanta iska xidhaan ama shidaalka iska xidhaan ama cawskii iska ootaan waaba sida iska badan ee ka dhacda degaannada miyiga ama dhirtii inta ay xidhaan ay gubaan, qofka sidaas sameeyaana waa daalim, waxayna ka dhigan tahay nin qaatay lacagta baanka taal oo kale.

·        Waxa ka mid ah webiyada iyo biyaha la wada cabbayey ee qulqulayey meelahaas, sida uu Nabigu (SCW) xusay, dhammaantoodna waxa wada leh innaga iyo ubadkeena soo socda.

“Waxaas oo dhan waxay ka mid yihiin danta guud ee la wada leeyahay, sidaa darteed in cid maamul gaar ah iska isticmaasho maaha oo ay iibsadaan iyo in taajir uu ka sii iibsado, intuba waa dulmi oo waa xoolihii la wada lahaa oo la qaatay, lana lunsaday,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

“Asbaabta keena in xoolaha ummadda lagu tagri-falo waxa ka mid ah Dowladda oo daciif noqota oo waajibkeedii gudan kari weyda, taas ayaana keeni karta in cid walba…”

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir khudbaddiisa kaga hadlay musuqmaasuqa, boobka hantida ummadda iyo masuuliyadda saaran cidda hoggaamiyaha u ah ummadda ee gacanta ku haysa talada, waxaannu yidhi;“Asbaabaha keena in qofku ku dhaco ku xad-gudubka hantida ummadda waxa ka mid ah;

·        Daciifnimo iimaanka iyo caqiidada ah ama ducful-iimaan ama iimaankooda oo qoonma, maxaa yeelay? Iimaanka ayaa qofka ku abuura inuu kala eego xaaraanta iyo xalaasha oo uu is yidhaahdo; “maxaa kuu xalaal ah, maxaase kaa xaaraan ah? Laakiin marka iimaanku ka qoonmo qofka, waxa u hamuumaysa oo u hillaacaysa adduunyada yar ee natiijada dambe ma eegayo.

·        Waxa ka mid ah in qofka akhlaaqdiisu qalloocanto oo xiiitaa xishoodku ka lumo. Dadku inta ay sii leeyihiin gobonnimada, sharaf ay ilaashadaan iyo dhegtooda oo ay dhowraan oo uu u tudhayo magaca reer hebel, magaciisa iyo magaca qoyskiisa  arrimahaa kuma dhacaan, balse had iyo jeer marka ay dadka gobonnimadu ka lunto ee ay gunnimada u dhacaan weeyaan marka ay boobayaan wixii ka dhexeeyey

·        Waxa ka mid ah (in xoolaha ummadda la boobo) isagoo qofku jaahil ka ah diintiisa ama aan garanayn xeer ciqaabeedka shareecada islaamku u dhigtay in ay in badan oo ka mid ah culimada islaamku ay qabaan in qofka hanti ummadeed qaatay gacanta la goynayo, hantidii uu qaatayna laga soo celinayo. Waa la isku waafaqsan yahay in wixii qaatay laga soo celinayo, laakiin in badan waxay qabaan in gacantana la gooyo.

·         Asbaabta keenta xatooyada waxa ka mid ah in qofkan wax xadaya aannu qalbigiisa Ilaahayba ku jirin oo aannu ogeyn in Ilaahay eegayo oo isha Ilaahay hayso, kana warhayn, markaa waa qof qaafil ah.

·         Waxa ka mid ah asbaabaha xatooyada keenaysa iyadoo aan la oogayn shareecadda islaamka oo ummaddaasi aanay ahayn ummad fulinaysa, hirgelinaysa oo ku dhaqmaysa shareecada, waayo marka shareecada lagu dhaqmayo qof walba ciqaabta uu mudan yahay ayaa la marinayaa oo kii cid gaar ah wax ka xadda, kii xoolaha ummadda xadda, taqsiirtii iyo xuduuddii oo dhan, laakiin marka aan shareecada lagu dhaqmayn way iska badanaysaa; ‘amba qaataye adiguna qaado.

·        Asbaabta keena in xoolaha ummadda lagu tagri-falo waxa ka mid ah Dowladda oo daciif noqota oo waajibkeedii gudan kari weyda, taas ayaana keeni karta in cid walba ay qaadato wax aanay lahayn ama wixii ummadda ka dhexeeyey la iska qaato.

·         Waxa ka mid ah qofka ummadda ugu sareeya ee hoggaamiyaha (Madaxweynaha) oo doorkiisa qaadan waaya oo ka gaabiya, taasina waa waxyaabaha keenaysa in dadku kala qaataan wixii ummadda ka dhexeeyey ee uu isagu (hoggaamiyuhu) u ilaalinayey ama ku xad-gudbaan ama daryeeli waayaan, sidaa darteed ayuu Cumar Binu Khadaab (RC) lahaa odhaahdan ah; ‘Haddii ay waddooyinka Ciraaq ka xumaadaan oo dadka iska daaye ay xoolahu wax ku noqdaan ama ku jabaan, qiyaamaha Cumar ayuu Ilaahay weydiinayaa oo la odhanayaa; ‘Cumaroow, maxaad dadka iyo duunyada dariiqa ugu hagaajin weyday? Xiligaasna Ciraaq iyo Madiina aad ayey u kala fogaayeen, markaa sidaas ayey Khulafadu u fikirayeen.

·         Waxa asbaabaha ka mid ah in ay ummadda ku yaraato naxariistii walaaltinnimada iyo tudhaallaha islaamka oo ay ehelnimada iyo axsaabnimadii dadka ku yaraadaan, waayo qofku wuxuu odhan lahaa; ‘bal ummadaada u kaadi kuwo sidaa iyo sidaau dhibban ayaa ku jiree oo waxan waa lagula leeyahaye adigu dadka u tudh?. Markaa tudhaallihiina ma jiro.

Maxaa inala gudboon si aynu u ilaalino hantida ummadda ka dhexeysa?

 “Waxa inala gudboon oo ummadda la gudboon in qofka falka xatooyada samaynaya meel looga soo wada jeedsado oo qofku arko in haddii uu Ilaahay ka cabsoon waayey uu dadka ka baqdo, ogaadana in dadku ay waxooda ilaashanayaan. Waana qofkaas lagu yidhaahdo; ‘Ilaahayna kuma jecla, anaguna kuma jeclin ee markaa hebeloow ka joog, sidaa masuul noogu noqon mayside? Ilayn Ilaahay (SWT) ayaa tilmaamay inuu qiyaamaha fadeexadaynayo qofka xoolaha ummadda xada, agtayadana waad ka fadeexadaysan tahay oo waa in la yidhaahdo sidii uu Nebiga CSW yidhi ee ahayd; ‘Haddii aad hantidii ummadda ilaalin kari weyday, guriga hooyada iyo aabbahaa iska joog.’

Rasuulkii Ilaahay (NNKHA) ayaa nin asxaabi ah u diray inuu xoolo soo ururiyo, isagoo sidoo kalena dadkii hadiyado ka soo urursaday, kadibna markii uu soo ururiyey xoolihii loo diray ee uu keenay ayuu yidhi; ‘intani waa xoolihii la ii diray oo keenay, intana anniga ayaa la i soo hadiyadeeyey oo la  i soo siiyey.’ Nebigu (CSW) wuu cadhooday, wuxuunna fuulay minbarka oo ummadda ayuu la hadlay, ninka magaciisiina ma sheegin, wuxuunna yidhi; “Maxay u dhacaysaa arrinta noocaas ah?  Inta aannu qof u dirno inuu xoolo soo uruuriyo inuu sidan wax u qeybiyo oo uu yidhaahdo ‘intanna ummadda ayaa leh, intana annigaa leh? Bal muu guriga hooyadii iyo aabbihii iska fadhiisto oo eego bal in cid wax u hadiyadayso iyo in kale? Ilayn shaadhkii ummadda ayuu xambaarsan yahay oo ku macaashayaaye.”

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir intaas ku daray; “Waxa aynu leenahay waxa kula gudboon in qofka ummadda waxeeda qaadanaya in aad ula dhaqanto sidii sidii Khulafaa’ul raashidiin oo aad dadka wanaagsan ku dayato ee aanad ku dayan dadka xun. Khulafadii Abu-bakar iyo Cumar (RC) marka ay ummadda la hadlayaan waxay odhan jireen; ‘Anigu xoolahaas ummadda ee aan idiin hayo waxa aan ka taagannahay halka uu ka taagan yahay qof haya xoolo agoomeed.’ Qofka haya xoolaha agoontana Ilaahay ayaa la hadlay oo waxa uu yidhi; ‘qofka wax haysta ha iska daayo xoolaha agoonta, qofkii faqiir ah ee aan waxba haysanna ha ka cuno in kooban oo markaa wuxuu ku noolaanayey ah.’ Sidaas ayey Khulafadii u dhaqmi jireen oo ay xoolaha ummadda uga dhawrsan jireen.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay in qofka madaxda ah looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo hantida ummadda, waxaannu yidhi; “Waxa aynu leenahay si xoolaha ummadda loo ilaaliyo waa in qofba qofka uu ka sarreeyo inuu ka dhowrsan yahay maalka ummadda, midba midka uu ka hooseeyana wuu iska deynayaa, kuwa madaxda ah ee ugu sareeyaa marka ay cunaan, kuwa ka hooseeyana way ku dayanayaan. Waxa dhacday in Asxaabtu rideen dowladdii Faaris ee Iraaniyiintii wakhtiga joogay ee Dab-caabudka ahaa, dadkii muslimiintu waa kuwii xorreeyey ee ka adkaaday ee furashooyinku (futuuxaadkuna) dhaceen, saxaabigii Sacad Bin Abii Waqaas RC iyo colkii uu hoggaaminayey halkaas xoolo aad u badan ayey ka soo heleen, ninkii Kisra la odhan jiray ee dhan walba dahabka iska dhigay, daaro dahab ah, xoolo dahab ah, wixii oo dhan ayaa la soo wada qaaday, Sacad wauuu asxaabtii u qeybiyey qanniimaddii la helay qeybtoodii, nin walba 12 kun oo dirham ayuu helay, qeybtii muslimiintu wada lahaydna wuu soo diray, kadibna Cumar binu Khadaab (RC) ayey xoolihii soo gaadheen oo badnidoodii ayuu la yaabay, sida dahabka, xariirta, gogosha, dheemanta iyo waxa hanti la sido oo inta uu sidaa u eegay ayuu yidhi; ‘dadka xoolahaa soo diray ee qaadan waayey waa aaminiin, kuwan in ammaanno lagu hubo ayaan uga markhaati kacayaa.’ Cali Bin abu-Daalib (RC) oo la joogay ayaa yidhi; ‘Adiga ayaa dhowrsoonaaday, markaa ayey ummaddaadiina kugu dayatay oo dhowrsoonaadeen, haddii aad iska daaqi lahayd, iyaguna way daaqi lahaayeen? Markaa haddii la doonayo in la daayo musuqmaasuqa iyo boobka hantida ee miyiga iyo magaaladaba oo hantida ummadda haddii la doonayo dhowritaankeeda, sida loo kala sarreeyo waa in laga bilaabo, si ummadduna ugu dayato.

Qaabka looga tawbadkeenayo xoolaha ummadda ee la cunay ama lagu xad-gudbay

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale ka hadlay qofka xoolaha ummadda cunay ee ku xad-gudbay  sida uu uga tawbadkeenayo, waxaannu yidhi; “Sida looga tawbadkeenayaa waxa weeyaan in ugu horayn uu qofku waxaas (boobka) uu gacanta ka qaado, go’aansadana in aannu dib ugu noqon xatooyada, kana tawbadkeeno, hantidiina ummadda uu u soo celiyo ummadda, intii ay doonto ha leekaato ee wixii uu ummadda ka qaatay inuu soo celiyo, meelaha uu ka qaatayna ku soo celiyo, cidda masuulka ka ahna uu ku soo celiyo, waana sida ay Culimadda Fuqahada oo dhan ka waramayaan, sida Imaamul-Nawawi (raximahu-laah), Ibnu-Qudaama iyo dhammaantood culimada fiqigu waxay leeyihiin towbadda waxa shardi u ah qofku wuxuu qaatay inuu soo celiyo, isagoo weliba cudur-daarna bixinaya, haddii ay dhacdo meesha uu ku soo celinayo dadka masuuliyiinta ka mid ah inay iyaguna sii lunsanayaan oo ay sii qaadanayaan, dee daalin kaloo isaga beddelaya ayuu xoojinayaaye meel dannaha guud ee ummadda ah ayuu gelinayaa, ilayn ummadda ayey waxani ka maqnaayeene, habka looga tawbadkeenayana waa habkaas oo culimaduna isku waafaqsan yihiin. Nebigu (CSW) wuxuu yidhi; ‘Gacan walba waxa lagu leeyahay wixii ay qaaday, ilaa ay soo celinayso.” Ha ka qaato hantida ummadda ee caanka ah ama qof gaar ah ha ka qaatee ama ha noolaado ama ha dhintee, waxay noqonaysaa; ‘waxan yaa lahaa? Yuu ka maqnaa? Waa in aad soo celiso, markaa ayey towbaddu hirgelaysaa, laakiin haddii qofkii tawbadkeeno, balse hantidii iska haysto oo iska isticmaalayo, tawbaddiisii ma ansixin. Waxa aynu arrimahan isugu baraarujinaynaa xatooyadu kuma eekaato dadka waxan ku eedaysan oo keliye ee dad asxaab ah, ehel ah oo isku xidhan ayeynu nahay oo wax ayaa la wada cunaa, wax ayaa la isa siiyaa, markaa shaygaas xaaraanta ahaa dhinac uun buu kaa soo gelayaa oo waa lagu siinayaa ama inantaada ayaa la siinayaa ama yarad ayaaba loo bixinayaa ama gabaati ayaa loo bixinayaa ama muquuno ee kolayba dhinac ayuun buu kaa soo gelayaa, markaa hebelo ayaa qaata kuma eekaanayso, laakiin u fiirso oo mar uu ku casuumo, mar uu kuu dhiibo ama mar uu haddiyad kuugu keeno adigana way ku soo gaadhaysaa, markaa arrintani waxay u baahan tahay in aynu tallaabooyinkaas qaadno, si aynu u horumari karno, si aynu u nasan karno, si aynu u badbaadi karno Adduunyada iyo aakhiraba,” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

 

Khudbaddan halkan ka dhegayso

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso