Antonio Guterres oo ku baaqay in hoggaamiyaasha dunida ay dhageystaan dadka cabanaya


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in si nabad ah oo aan rabshado laheyn ay u dhaqmaan bulshada caalamka ee dhigaya bannaanbaxyada,isla markaana doonaya  is-badallada siyaasadeed.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa jimcihii u sheegay weriyaasha in sidoo kale looga baahan yahay hoggaamiyaasha caalamka in ay dhageystaan dhibaatooyinka dhabta ah ee ay soo jeedinayaan dadka dhabta ah ee ay taabteen xaaladaha adage e ka jira dalalkooda.

Guterres ayaa xusay in dadku ay doonayaan xuquuqq siman,xurmo iyo in ay wax ka yiraahdaan go’aamada iyo horumarka socda,wuxuuna intaa raaciyay in walaaca dadka ay dhaaliyeen mudaaharaadyo ka socda Bariga Dhexe,Yurub, Afrika, Aasiya, Latin America iyo Kariibiyaanka

“Weey iska cadahay inay jirto hoos u dhac xagga kalsoonida ah iyo hanjabaadyo soo kordha oo ay dadku kala kulmaan dowladaha,balse waxaa loo baahan yahay ayuu yiri in laga fogaado xumaha oo laga taliyo aayaha umadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso