Sagaal Bilood Oo uu Xilka Hayey Waxa Abuurmay Rajo Cusub

Dunidu waxa ugu weyn ee ay maal gashataa ma’aha walxaha ee waa maskaxda bani’aadamka si loo helo isbeddel xaqiiqi ah oo horseed u noqda koboc dhaqaale, hoggaamintu waa waxa laba dal oo kheyraadka dabiiciga ah ku kala hodonsan kala horumariya tusaale ahaan dalka JAPAN oo aan lahayn kheyraad dabiici ahi wuxuu ka horumarsan yahay KOONGO oo leh kheyraad badan. Qormada maanta waxa igu dhaliyey hoggaan wanaag uu muujiyey masuul xilka hayey wax ka yar sagaal bilood oo isoo jiitay.
Maxamuud Raage Ibraahim waa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka, waxa cugashada Madaxweynaha kadib loogu dhawaaqay in uu yahay Maareeyaha Guud maalin ku beegnayd December 31, 2018, wakhtigaas wuxuu joogay dalka dibadiisa, xilka in uu la wareegaa waxay ku qaadatay 19 cisho oo ku beegnayd January 20, 2019, xaaladda iyo duruufta uu la wareegay way adkayd tusaale ahaan shaqaaluhu waxay lahaayeen sadex bilood oo mushahar ah, bakhaarka waraaquhu wuu madhnaa, mashiinada daabacaadda in badani waxay u fadhiday dayactir la’aan, intaa waxa u dheeraa in baanka dhexe lahaa deyn badan.
Xaaladda sidaas u adag ayuu masuulkani dusha u ritay isaga oo og, sida uu ka sheegay xafladii uu xilka kula wareegayey “ Dad badan ayaa damcay in ay iga cabsiiyaan oo igu yidhi waar meesha aad la wareegaysaa xaaladdeeda dhaqaale aad bay u hoosaysaa ma fiicna, kuwii sidaa lahaa wuxuu ugu jawaabay meel salaxani ima anfacdo waayo waxaan rabaa in aan tijaabo galiyo hogaamintayda”
Maareeyahu wuxuu sagaal bilood ka dib ku guulaystay arrimahan soo socda oo markhaati ugu filan sida ay hogaamintiisii uu tijaabinayey u guulaysatay.

ABUURIDA MASHAARIIC HORUMARINEED
Maanta waxa hirgalay laba mashruuc oo waaweyn kuwaas oo kala ah dhisme cusub oo ku kacaya ku dhawaad laba bilyan oo shilin Somaliland ah iyo mashruuca labaad oo ah qalabaynta mashiinada wax daabaca oo horaanta sanadka cusub dalka iman doona kuwaas oo imika ku jira baahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka kuna kacaya aduun gaadhaya boqolaal bilyan oo shilling somaliand ah. Intaa waxa raaca in deyntii uu la wareegay ee baanka dhexe ku lahaa WMQ uu wada bixiyey, “very high jump” waa bootin dheer, marka loo eego sagaal bilood ka hor sida xaalku ahaa, waa arrin tusaale muuqda u ah xidhiidhka togan ee ka dhexeeya horumarka iyo hogaaminta haboon.
Hogaamintu ma aha awaamiir iyo ammarro isdaba socda sida masuuliyiin badani u qalad fahmeen, hogaamintu waa in aad cariso hal abuurnimada & cududa shaqaalaha si ay iskood uga fekeraan horumarka iyo hilinka loo marayo “Don’t tell people how to do things, tell them what to do and let them”
Maareeyuhu muu wadan dhaqaale ee wuxuu isku agaasimay garaadkii iyo waayo arragnimadii masuuliyiinta ka hoosaysa, wuxuu abuuray jawi isfaham, tallo wadaag iyo wada tashi ku dhisan, waxa kaliya ee uu sheegayaa waa waxa la rabo in la qabto laakiin sida loo qabanayo wuxuu u dhaafayaa masuuliyiinta. If your actions inspire others to dream more, learn more, do more and become more, you are a leader”

Qalinkii Eng Abdirashid M. Jama
Governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso