Somaliland: Sharciga ayaa Qeexay Qaabka loo Xulayo Xubnaha Komishanka ee ha la Joojiyo Qardo-jeexa iyo Qaylada Badan W/Q; Maxamed Cirro

Qaabka loo soo xulayo, loona magacaabayo xubnaha ka mid noqonaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruudaha looga baahan yahayba, waxa si cad loogu qeexay  si cad loogu qeexay qodobbada 11-aad iyo 12-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaannada ee Xeer Lr. 20/2001, halka sidoo kale qodobka 13-aad ee isla xeerkani uu tilmaamayo qaabka  xilka lagaga qaadi karo xubnaha Guddida Doorashooyinka.

Sida sharcigu dhigayo, xubnaha Komishanku way ka soo gudbeen dhinacyada xeerku waajibiyey inay soo xulaan oo ah labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha, waxayna arrintoodu hadda hortaalaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo sharcigu siiyey inay leeyihiin awoodda ugu dambaysay ee lagu hubinayo xubnaha loo soo xulay Komishanka Doorashooyinka, si ay u ansixiyaan xubnaha soo magacaabistoodu waafaqsan tahay shuruudaha xeerku qeexay, kuwa aan waafaqina ay dib u celiyaan, si loogu soo beddelo cid kale oo xeerku ogol yahay.

Waxa waajib ku ah Golaha Wakiillada Somaliland inay si hufan oo masuuliyadi ku jirto u hubiyaan in xubnaha Komishanka ee loo soo gudbiyey ay si buuxda u waafaqsan shuruudaha shuruudaha ku cad qodobbada 11-aad iyo 12-aad ee Xeer Lr. 20/2001, labadaas qodob oo faahfaahintoodu tahay sidan hoos ku qoran;

Qodobka 11aad

Komishanka doorashooyinka

 

1. Komishanku wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood, oo kala ah:

(a)- Guddoomiye iyo 6 xubnood

(b)- Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenka, Komishanka ayaa iska dhex dooranaya.

(c)- Muddada xilka ee Komishanku waa 5 sanno oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiilladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.

(d)- Shaqaale dowladeed, xubin Baarlamaan, Xubnaha Golaha Wasiirrada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa Urur/Xisbi kama mid noqon karo Komishanka.

2. Komishanka Doorashooyinka waxa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib marka uu helo soo jeedimaha :-

(a)- 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.

(b)- 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada mucaaridka ah ee diiwaangashan.

(c)- 3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.

3. Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha Wakiillada, markuu guddi-hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.

4. Xafiiska dhexe ee Komishanka doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa Caasimadda Hargeysa.

5. Komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeerkan, shirarkoodu wuxuu ku qabsoomayaa Kooram, go’aanadoodu waxay ku ansaxayaan aqlabiyad.

6. Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madaxbannaan, lagumana samayn karo wax faro-gelin ah haba yaraatee.

 

Qodobka 12aad

Shuruudaha xubinta Komishanka

 

1. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.

2. Waa in aan da’diisu ka yarayn 40 jir, kana waynayn 60 jir.

3. Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.

4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.

5. Waa in aanu ka mid ahayn Urur/Xisbi siyaasadeed, kana madaxbannaan yahay.

6. Waa in lagu yaqaan dhawrsannaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda.

7. Waa in aan dambi ciqaab oo maxkamad horteed kaga caddaaday ku dhicin weligiiba.

8. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.”

 

Sida ku cad labadan qodob ee sare ku xusan iyo farqadaha ka sii farcamay, waxa muhiim ah in Golaha Wakiilladu ay si fiican oo sharci u qiimeeyaan, baadhaan, una hubiyaan in xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka ay wada buuxiyeen dhammaanba shuruudaha xeerku waajibiyey, iyadoo aan si gaar ah loo eegin uun inay ka tirsan yihiin ama xilal ka hayaan xisbiyada, balse waa in ansixintooda lagu saleeyo dhammaanba shuruudaha laga doonayo oo ay ka mid yihiin in xubinta ka mid noqonaysa Komishanku ay ku sifawday dhawrsannaan, sharaf iyo caddaalad bulshada dhexdeeda ah, halka sidoo kale ay muhiim tahay in si gaar ah fiiro loogu yeesho inay caafimaad ahaan fayawyihiin jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Haddaba, maadaama uu sharcigu qeexay shuruudaha ay tahay inay buuxiyaan xubnaha Guddida Doorashooyinku, isla markaana ay hadda horyaalaan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland waa in la iska yareeyo buuqa aan faa’iidada badan inoo lahayn, lagana fogaado wax kasta oo qardo-jeex ah, laguna hareer marayo sharciga inoo yaal.

Waxa qoray; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso