35 ruux oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Sacuudi Carabiya


35-ruux ayaa dhimatay ,afar kalana waxaa  soo gaaray dhaawacyo kadib kolkii gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah oo maraayey wadada u dhexeysa Maka iyo Madiina uu ku dhacay gaari kale oo ah kuwa xamuulka,sida ay ku waramay Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xiganeysay Afhayeenkaasia ayaa sheegay in shilkaasi oo ka dhacay magaalada al-Akhal  uu yimid ka dib markii ay is-jiireen laba gaari oo mid ka mid ah uu ahaa  Bas ay saarnaayeen Xujeey gaaraya 39-qof oo isugu jiray Carab iyo dad Aasiyaan ah,

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa warku intaa ku daray in loo qaaday Cisbitaalka Al-Hamna ,waxaana jira baaritaanno ku aadan dhacdadaasi oo ay faraha ku hayaan ciidamada Boliiska Sacuudiga.

Shilkaan ayaa imaanaya ka dib markii bishii Abriil ee la soo dhaafay  shil laba gaari oo ka dhacay gudaha Sacuudiga ay  ku  dhinteen  4-xujeey oo Ingiriis ah,isla markaana ay dhaawacmeen 12-qof.

Advertisement

Ku Xayeysiiso