Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka Furay Boorama Shir Lagu Gorfeynayo Qoondada Haweenka

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka furay shir lagaga hadlayo hirgalinta qoondada Haweenka ee golaha wakiillada.

Shirkaas oo socon doona muddo laba cisho ah, waxa ka qayb galay wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska, xildhibaanNo ka tirsan golayaasha Baarlamaanka, xubno ka socday xisbiyada qaranka, agaasimeyaal, maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorame iyo Haween ka kala yimid gobollada dalka.

Waxa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cawaale Faarax iyo guddoomiyaha degmada Boorame Saleebaan Xasan Xaddi, oo madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hogaaminayo ku soo dhaweeyey gobolka Awdal waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in shirkani ka qabsoomo gobolkaas, iyagoo tilmaamay inuu macne weyn u samaynayo shirkaasi.

Waxa kaloo  halkaas ka hadlay mudaneyaal ka tirsan golayaasha Baarlamaanka, xubno ka kala socday xisbiyada qaranka iyo ururrada bulshada waxayna caddeeyeen sida ay muhiim u tahay in la hirgaliyo qoondada Haweenka ee golaha wakiillada.

Sidoo kale, waxa shirkaas hadallo ka soo jeediyey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo. Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Shaqo galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Marwo . Hinda Jaamac Xirsi Gaani, oo dhammaantood ku dheeraaday doorka ay Haweenku kaga jiraan bulshada iyo sida ay muhiim u tahay dhiirigalinta Haweenka ee dhinaca siyaasadda.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo shirkaas furay ayaa sheegay in shirka loo qabtay sidii loo hirgalin lahaa kootada kuraasta Haweenka ee golaha wakiillada iyo sidii ay haweenku uga muuqan lahaayeen golayaasha sharci dajinta, isagoo intaas ku daray in ka xisbi ahaan ay diyaariyeen kootada Haweenka wuxuuna xisbiyada mucaaridka u soo jeediyey inay sameeyaan kuna talo galaan kootada Haweenka loo qoondeeyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso