Daraasad 2 :   Habka lagu gaadho horumarka /sida loo beegsado wadada saxda ah 

                   Habka lagu gaadho horumarka /sida loo beegsado wadada saxda ah

:

___________________________________

                     Marka aad daraasad ku samayso horumarka , sida lagu gaadho iyo waqtiga la gaadho , caqabadaha loo maro ee bulsho waliba u marto (horumarkaasi noocuu doono ha noqdo sida , horumar laga gaadho dhanka dowladnimada , dhaqaalaha , waxbarashada,warshadaha,beeraha, caafimaadka ,dimiquraadiyada, midnimada iyo siyaasada loo dhanyahay, ganacsiga iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee arimaha bulshada ) ,waxaad ogaanaysaa in wax markaba iska diyaara oo in lala falgalo uun u baahani inaanay jirin,(macnaha horumarku inuu ku xidhanyahay shaqo la qabto ,oo maalinba in la qabto ,aakhirkana shaqooyinkaa maalinba in la qabanaayo ay isdhamaystiraan ,horumarkuna uu sidaas u socdo.

   Marka aad eegto habka loo maro ,ama markaa aad rabo inaad ka dhaqaaqdo meel aanad ku qanacsanayn (horumarka waxaan ku macnayn karaa , adoo ka dhaqaaqaya meel aanad ku qanacsanayn , una dhaqaaqaya meel aad ku qanacsantahay ama meeshaad joogto dhaanta), si aad u dhaqaaqdo:

Talaabada koowaad:

1. Waa inaad taqaanaa halka aad taagantahay (hadaad adoo meel xun taagan ,aad u haysato inaad horumar taagantahay dhaqaaqi maysid). 

2. Waa inaad taqaanaa awoodaada. (fahamka dhaqaale, fahamka bulshadaada, socodka bulshadaada , adkaysigooda ). 

3. Si aad u dhaqaajiso bulshadaada , gaadiid noocee ah ayaad saaraysaa , (macnaha aragti noocee ah ayaad ku dhaqaajinaysaa ku howlgalinaysaa , adoo ku salaynaaya dhaqankooda , iyo dabeecada deegaankooda).

4. Waa inaad aqbashaa aqoonsataa dhibka jira ee meeshan aad ka dhaqaaqayso yaala ,( adoo fuulxumo dhexyuurura , oo u haysta wanaag iyo qurux suurogal maaha inaad hesho wax ku dhiirigaliya ama aad ku dhiirato inaad dhaqaaqdo ). 

Markaad intaas iyo waxii kale eek u xeeran fahamto ,runtana aad ka sheegto /ku salayso ,waxaad ogaanaysaa awoodaada ,dadkaaga ,sida aad u dhaqaajin lahayd , dhibaatooyinka jira ,sababaha keenay iyo hanaanka looga dhaqaaqi karo.

Waxaad kale oo aad ogaanaysaa hogaanka aad haysato  makii saxda ahaaba , mise maaha  waa noocee hogaanka siyaasadeed /dhaqan/bulsho /diineed ee aad haystaa ,karti ahaan , aragti ahaan iyo shaqo ahaanba?.

Talaabada labaad :

Talaabadaas koowaad markaad dhamayso ee aad hesho fahamka guud ee xaaladaada /dalkaaga /bulshadaada , markaad ayaad u imanaysaa inaad dhisto /xariiqdo horumarka aad rabto nooca uu yahay ,halka aad rabto inaad gaadho , farshamadii aad ku gaadhi lahayd , qorshihii shaqo ee loo baahnaa in la qabto, dadkii ehelka u ahaa ee shaqadaa qaban lahaa , dhaqaalihii lagu xaqiijin lahaa iwm.

Aragtida markaa aad ku salaynayso :

1. Horumarka waa inaad ku dhistaa waxii kuu suuro gal ah , waxii aad hayso , meel kale ha fiirinin , dowlado kale iyo umado kale ha tusaalaysan , maxaa adiga suurogal kuu ah inaad umadan dhaqaajiso oo meesha ay joogaan aad ka kaxayso oo meel kale aad gayso , yaanay noqonin xataa meesha ugu wacane , haba noqoto meel meeshan dhaanta . ku salee waxii kuu suuro gal ah. 

2. Adeegso/ku shaqee hadba agabka (tools) aad haysato ka ugu dhibta yar ugu dhow waxaad rabto.

is waydii Maxaad haysataa /agabka aad haysato ee aad rabto inaad ku dhaqaaqdaa  waa noocee ? waa imisa ?, kuwii loo baahnaa ma yihiin ?, hadaanay ahayn kee ugu dhow ? ugu dhibyar ee wax dhaqaajin kara ?.  hadaanu kii loo baahnaa ahayn marwalba dooro ka ugu dhow .

ugu macquulsan ,xalaashada u dhow .

3. Ku dhaqaaq markaas /dhaqaaji bulshadaada, isku day inaad si degen u dhaqaajiso  adoo adeegsanaaya, bulshadaada iyo hadba waxii kuu suurogal ah sidaan hore u sheegay. Markaa waad rari kartaa bulshada. 

Marka aad doorato /la safato mar walba ka ugu dhow ugu dhibta yar , aakhirka maalinba talaabo ayaad qaadi ,talaabooyinkaasina way is dhamaystirayaan  sidaas ayuu ku imaanayaa is badalka la rabo dhinac kasta oo ay tahay .

 Gabo gabo :

 Nuxurka daraasadu waxa weeye bulsho kasta oo horumar gaadhay habkaasay wax u daraasaysay , waxaanay ka duushay  hadba waxii u suuro gal ah  iyo hadba waxa ay haystaan waxa ugu dhow ee dadku ku wada guurikaraan  uguna dhibta yar .

Somaliland :

* Dhibaatada dalkeena ka jirta horumar ayaynu u naqaanaa.

* Waxaynu hayno ma naqaano.

* Awoodeeda bulsho  wali maynaan isku duba ridin.

* Agabka aynu haysano ma kala naqaano ka ugu dhibta badan iyo ka ugu dhibta yar.

* Aragtida wadankeena taalaa waa hala jeedo uun , iyo nimcaa fadhida.

* Ma naqaano waxaynu rabno iyo waxaynaan rabin , oo waxaynu rabno kama shaqayno.

* Waxeenu saxaafad iyo shir jaraaid ma dhaafsiisna.

* Waxaynu la safanahay dadka wadanka iyo dalkaba baabiibiyey halkii aynu ka safanlahayn.

Goorma ayaa markaas horumar lagaadhayaa?.

 Horumar waxaynu gaadhaynaa ama ka dhaqaaqaynaa halka aynu maanta taaganahay ,markaynu raacno dariiqa aan kor ku xusay , markaynu ka safano cid dalka dhibaataysay ee aynu la safano hadba waxaynu hayno kooxda ugu dhow ee ugu dhibta yar uguna aragtida fiican  waxaynu hayno.

Sir Abdirashid Hussein Yusuf

   Gahaydhle@live.com

    Doha Qatar.

Advertisement

Ku Xayeysiiso