Soomaaliya oo ka aamustay cambaaraynta Jaamacadda Carabta ee Turkiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa ka gaabsaday war-murtiyeedkii kasoo baxay kulankii Wasiirrada Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa howl-galka Milatari ee uu Turkiga ku qaaday Waqooyiga Dalka Suuriya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar mudane ; Towfiiq Axmed C/laahi oo kulanka Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu Saaxiib la yahay Soomaaliya, kana caawiyay waxyaabo badan, sidaa daraaddeedna ay ka gaabsanayaan war-murtiyeedka Jaamacadda Carabta eek u saabsan howl-galka Turkiga.

” Turkiga waa Dowlad saaxiib la ah Soomaaliya, waxa ayna xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba naga caawisay dhismaha dhammaan hay’adaha xukuumadda ka dib dagaalladii sokeeye ee Dalka soo maray.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay Jaamacada Carabta ay Garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray.

Danjire; Towfiiq, ayaa xusay in sidoo kale ay jiraan saaxiibbo Carbeed oo sida Turkiga oo kale ka taageeray Soomaaliya xagga dib u dhiska Ciidamada iyo xasilloonida Dalka.

Wuxuu sheegay in ay mar walba Soomaaliya Garab taagan tahay Walaalaha Suuriya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara loo helo mushaakilka siyaasadeed ee ka aloosan gudaha Suuriya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, Towfiiq Axmed, ayaa xalka keliya ee Suuriya ku tilmaamay mid siyaasadeed, laguna dhameeyo wada hadal ay dhinacyada is haya ka qeyb galaan, sida uu qabo cahdiga Jaamacadda Carabta.

Kulanka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacada Carabta oo ku saabsanaa howl-gallada Milatari ee uu Turkigu ka wado Waqooyiga Suuriya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Qaahira, waxana shir Guddoomiyay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Ciraaq mudane; Muxamed  Cali Al-xakiim.

Advertisement

Ku Xayeysiiso