Gurmad Degdeg ah : Halista soo waajahday Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Waqooyiga Suuriya !

Haween iyo Carruur aad u yaryar oo Agoomo u badan oo gaadhaya Saddex boqol oo qof oo uu asalkoodu Soomaali yahay ayaa  sannadihii u danbeeyay ku sugnaa Xeryaha qaxootiga ee Waqooyiga Suuriya gaar ahaan Saddexda Xero Qaxooti ee la kala yidhaa   Camp Ain Isse. Camp Al Hol iyo Camp Roj.

Dadkan maatida ah ee ay darxumada iyo duruufaha qadhaadhi ku haystaan xeryahaas qaxootiga ah ee Cadaabta ah ayaa imika waxaa soo waajahay laba cabsiyood oo aad u waaweyn oo kala ah dagaalka ay Dawlada Turkigu imika ka bilowday Waqooyiga Suuriya iyo Xiligii Qaboobaha oo dhawaan soo gelaya oo aanay dadkaas maatida iyo carruurta ahi ku noolaan karin Teendhooyinka khafiifka ah ee ay imika ku hoos jiraan.

Maxay yihiin Dadkani ?

Dadka Xeryahan qaxootiga ku jiraa waa Hablo iyo Haween dhalinyaro ah oo Sanadihii la soo dhaafay ka tagay Wadamada Yurub kuna biiray Kooxihii Xagjirka ahaa ee la baxay Dawlada Islaamka ( Daacish) waxaanay badankoodu ahaayeen hablo yaryar oo la majaro habaabiyey markii ay halkaas tageena waxa  guursaday kooxihii  jabhadaas ka tirsanaa oo iyaga laftoodu u badnaa dhalinyaro wiilal ah oo Soomaali ah oo Yurub ka tegay.

Hadaba markii la jabiyay Jabhadii Daacish waxa Raggii Soomaalida ahaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax Xabsiyo lagu guray iyo kuwo badan oo aan la ogayn geeri iyo nolol meel ay ku danbeeyeen.

Haweenkii iyo Carruurtii wixii dagaalada ka badbaaday waxa lagu soo ururiyay Xeryaha Qaxootiga ee aynu magacyadooda kor ku xusnay oo laga yagleelay Waqooyiga Suuriya.

Xeryhan Qaxootiga ee ay ku jiraan Haweenka iyo Carruurta Soomaalida ahi waxaa haystaa duruufo aad u qadhaadh oo ay ka mid yihiin, gaajo, caafimaad darro, dhac iyo boob joogto ah, garaacis iyo bahdilaad aynaan halkan ku wada xusi karin, waxaana carruur badani ay u dhimatay Caafimaad darro.

Dadkan Soomaalida ah ayaa Wadamadii Yurub ee ay markii hore ku noolaayeen ay kala noqdeen dhalashooyinkoodii Yurub ee ay haysteen, mana jiro Dal Yurub ah oo doonaya inay dadkaasi dib ugu soo noqdaan Qaarada Yurub.

Maxaa Xal ah ?

Waxaan si shakhsi ah ula kulmay aadna u caawinayay bilihii u danbeeyay Waalidiinta Carruurtaas dhashay badankooda kuwaas oo ku kala sugan Jarmalka, Sweden, Denmark, Canada,  Norway, UK, Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya waxaanay Waalidiintaas masaakiinta ahi ay doonayaan in Carruurtoodaad rafaadsan dib loogu soo celiyo Dalkoodii Hooyo ee ay Asal ahaan ka soo jeedeen maadaama dhalashooyinkii Yurub laga qaaday oo aanay  Yurub ku soo noqon karin.

Waalidiintaas oo imika samaystay Urur oo leh Guddi iyo Gudoomiye waxay Qaylo-dhaan u dirsadeen Xukuumada Soomaaliya si ay Dalkooda ugu soo celiso dadkaas darxumaysan ee ay imika soo waajaheen duruufaha qallafsani.

Afar iyo Toban Dal ayaa Dadkoodii soo qaatay oo dalalkoodii geystay sida Dalka Suudaan, Albaaniya, Ruushka iyo Wadamo badan oo kale, waxaana Maamulka Kurdiyiintu ay ogolaadeen inay Dawlad kasta ku wareejiyaan Dadkooda hadii laga soo dalbado.

Waxaan ugu baaqayaa Qof kasta oo uu Damiir Islaamnimo iyo Damiir Ummadnimo uu ku jiro inuu ka qayb qaato sidii Carruurtaas iyo Haweenkaas dayacan Dalkooda loo keeni lahaa.

Waxaynu ka hadlaynaa waa Carruur yaryar oo uu Toban jirku u weyn yahay iyo Hablo yaryar oo qaarkood dhaawac yihiin Maskax ahaan iyo jidh ahaanba oo aan imika wax khatar Amni ah ku ahayn cidna.  Waa Maato iyo Carruur dhimasho qarka u saaran.

Waad Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso