Mareykanka oo xabsiga dhigay Koox Daacish u qaabilsanaa madax-goynta

Mareykanka ayaa xabsiga dhigay  labo xubnood oo sarsare oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Daacish, kuwaas oo ku caan-baxay in ay madaxa ka jaraan dadka la  haystayaasha ee sawiradooda laga sii daayo qalabka warbaahinta ee loo yaqaanno fidiyowga.

Labada nin,oo ay  horay u heysteen  dagaalyahanada  Kurdiyiinta ee ku  sugan dalka Suuriya,waxaa ciidamada Mareykanka ay  geeyeen  xabsi Mileteri oo aamin ah,iyadoo la raacayo sharciga dagaalka

Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP maalinimadii shalay  in labadaasi ruux ee ay hayaan ay ka mid yihiin shaqsiyaadka qiimaha ku dhex leh kooxda Daacish,isla markaana u qaabilsanaa madax-goynta dadka iyo jidhdilka.

Wararka ay baahinayaan  warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in  labada nin ay kala  yihiin El Shafee Elsheikh iyo Alexanda Amon Kotey,kuwaas oo qayb ka ah afar nin oo ku eedeysnaa in ay geysteen jidhdil,afduub iyo xasuuq dad ajanabi ah

Advertisement

Ku Xayeysiiso