Madaxweyne Farmaajo oo Tagay dalka Itoobiya iyo diyaar garawga soo dhawayntiisa oo ilaa heer Raisal wasaare ah

Muqdisho, Oktoobar 10, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso