Markaad aqrisato waad ilmaynaysaa hadii aad qalbi jilicsantay….?W.Q Abdiqani Salaf

Waddanka Ethiopia marka aad timaado gaar ahaan magaalada Addis Ababa waa meel aad u qabow roobka iyo raxmaadka allah na kama qaado sidaa darteed dadka deegaanka ah waa u barwaaqo iyo nimco nimco kale ku sug oo dhulku waa cagaaran (evergreen) yahay quruxdana kama jeedsan karaysid naftu waxay sii jeclaanaysaa daawashada quruxda dabeeciga ah.

Dhanka kale hore ayuu nin reer Somaliland ahi u yidhi `{Niman hooy lahayn habeena u dumay Hargeisi maxay ku haysaa} (Hacoo) hadaba Hargeisa qabow badan malahayn roob joogta ahna malaha lakin Addis wa mid aad u qaboow badan,  waxaad jidadka ku arkaysaa dad isugu jira caruur yaryar oo timo cad oo sayn faras lamoodo leh iyo indho buluuga iyo hooyooyin qaarkood caruurta horaadka jaqsiinayaan iyo dhalinyaro iyo dad waayeela oo Syrian muslimiina ah jidadka qabowga badan u hoyda kana soo toosa.

Dadkan muslimka ah ee tabaalaysan ee markaad aragto aad ka naxayso darayada ka muuqata dushooda ayaa waxa ay maalintii ka dawarsadaan jidadka  magaalada iyagoo sita boodhadh ka turjumaya baahidooda oo ku qoran af Ahmari iyo English iyo Somali intaba oo ay ku tuuksanayaan. Qalbixanuun dartii ilmada waan xajin waayay waan ooyay maamadiina way ila ilmaysay runtii calool xumo aan ka seexan waayay malmo aya i haleeshay.

Dadka reer Suriya waxay ahaayeen dad goba oo Somalida sifiican usoo dhaweeya waxay kaga duwanyihiin yementa hodheelada wawayn Addis ku leh yementu awalba dad iska danyara ayay ahaayeen oo u badan dad muruq maala oo aan aqoon lahayn lakiin dadkani Suriyaan ku waxay ahaayeen dad nolol sare ku noolaa waddan nimco badan oo aduunka oo dhan looga soo dalxiis tago ku nool ayay ahayeen waana dad badan koodu wada aqoonyahan ah oo waxbartay sida darteed darxumadan kusoo booday lama qabsan karaan.

Intaa waxaa dheer Ethiopia way kusoo qaldameen dadkani waayo dadka wadankani lacagta way caabudaan oo waxba cidna iskama siyaan oo kuwooda baahan ba fujaan uma caaneeyaan sidaa darteed dadkaasi cida ay dawarsi wax kaga helaan waxa ugu badan dadka somalida ah oo iyagu haduu jeebka wax ugu jiro madhaafaan lakin Axmaarku haday liilalow qaadaan sumuni u dhiibi maayo.

Dadkan Suriyanka ah ee ka dawarsanaya Ethiopia waxa u dhaami lahayd inay tagaan dhulka somaliland Hargeisa ama.magaalooyinka kaleba  kuma gaajoodeen iyo waliba xataa muqdisho ayaa u dhaami lahayd Addis, sidoo kale waxa dhib ku haya dadkan qaxoontiga darbi jiifka ah ee reer Suriya   kufsiga ay ku beegsadaan  xabashida joqara ah ee sakhraansan hablahan dayacan ee biyo dahabka lamoodo oo iyagu aan u kala aabo yeelin gabadh iyo islaan waayeela iyagoo Aids wada qaba xabashidu sida ay ii sheegtay zaytuna Al hadrami.

Ugu danbayn waxaan idinka codsanaya aqristayaal intiina dadkan meel lajoogta inay gacantooda u furaan waxba aanay ka lexojeclaysan dadkan tabcaansan iyo dhamaantiin intiina aan u dhawayn inaad u ducaysaan dadkan dhibaataysan.

Allaah Mahad leh

Abdiqani Salaf kaptanka

Addis Abab Ethiopia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso