War-saxaafadeed Ururka Qareenada ee Somaliland wuxuu si wayn uga walaacsan yahay cabashooyin soo noq-noqday oo ay soo gudbiyeen qareenada gala dacwadaha ciqaabta ah oo ka cawday falal kadeed iyo cago juglayn ah; iyo inaan si caddaalad ah loola dhaqmin.

21st September 2019

War-saxaafadeed
Ururka Qareenada ee Somaliland wuxuu si wayn uga walaacsan yahay cabashooyin soo noq-noqday oo ay soo gudbiyeen qareenada gala dacwadaha ciqaabta ah oo ka cawday falal kadeed iyo cago juglayn ah; iyo inaan si caddaalad ah loola dhaqmin.
Qareenada looma ogola inay kula kulmaan dadka ay qareenka u yihiin saldhigyada booliiska islamarkaana booliisku uma soo gudbiyo cadaymaha dhinaca ka ah dadka ay matalaan. Falalkaasina waxaay ka dhigayaan wax adag ina qareenadu ay si haboon oo waxtar leh u siiyaan adeeg sharci dadka ay metelaan. Waxa intaas dheer in qareenadu ay sheegeen in qaabka loola dhaqmo inta ay shaqadooda ku jiraan ay tahay mid kadeed ku ah oo aan caddaalad ahayn, oo dhinaca ay shaqadu ka dhaxayso uu cadaadis xoog lihi kaga yimaado.
Sida ku cad qodobka 27(1) ee Dastuurka Somaliland qofka la xidhaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sida ugu dhaqsaha badan ula kulmo qareenkiisa.
Sidaas oo ay tahay, hadana qareenada Somaliland looma ogola inay la kulmaan dadka ay metelaan ee saldhigyada Booliiska ku xidhan islamarkaana waxaay wajahaan caqabdo badan oo hortaagan inay difacaan muwaadiniinta xaqooda lagu tacadiyo. Gaar ahaan dadka siyaasada u xidhan iyo saxafiyiinta.Iyadoo marka horeba ay aad u tirayaayeen qareenada gala dacwadaha siyaasad ahaan xaasasiga ah.
Qareenadu waxay xaq u leeyihiin inay masuuliyadooda xirfadeed u gutaan si madaxbanaan oo aan wax cadaadis ah la saarin. Sida uu qabo Mabda’ 16aad ee Mabaadida Aasaasiga ah ee Doorka Qareenada “dawladdu waa inay xaqiijisaa in qareenadu ay awood u helaan inay gutaan dhamaan shaqadooda xirfadeed iyada oo aan loo cago juglayn, caqabado la hordhigin, la kadeedin ama aan lagu samayn faro gelin aan haboonayn.” Sida uu sheegay Gudida Xuquuda Aaadanaha iyo Shucuubta ee Afrika, “xaqa difaaca ee uu damaanad qaaday qodobka 7(1)(c) ee Axdiga Xuquuda Aaadanaha iyo Shucuubta waa lagu xadgudbayaa hadii laba qareen la kadeedo oo ay ka baxaan qareenimada ay siinayeen cidda eedaysanaha ah.
Waxaanu ugu baaqaynaa Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha iyo Booliiska inay ixtiraamaan shaqada qareenada oo ay ula dhamqaan si karaamo leh, islamarkaana ay u ogoladaan inay shaqadooda u gutaan si aan cadaadis lahayn. Sidoo kale waxaanu codsanaynaa in la qaado caqabadaha faraha badan ee hortaagan qareenada gala dacwadaha ciqaabta ah oo la xaqdhawro shuruucda dalka oo dastuurku ugu horeeyo.

Jamaal Xuseen Axmed (Mandeela).
Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso