Somaliland iyo Itoobiya oo Kala Saxeexday Heshiis is Afgarad oo ku Wajahan Iskaashiga Warbaahinta Labada Dal

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa Heshiis Is-afgarad oo la xidhiidha Iskaashiga Horumarinta Warbaahinta la saxeexday dawladda  Federaalka  Dimuqraadiga Federaalka ee  Itoobiya.

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxa heshiiska u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye, halka dhanka Itoobiyana uu saxeexay dhigiisu Dr.Naguse Natuko, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya.

Nuxurka heshiiska ayaa la xidhiidha  sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen  xidhiidhka warbaahineed ee labada dal, kor-u-qaadida aqoonta, xirfada iyo tiknoolajiyadda Raadyow Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka, is-dhaafsiga wararka iyo macluumaadka labada dal iyo yagleelidda xidhiidh dhaqan oo labada dad iyo dal wada yeeshaan.

Munaasibada saxeeexa heshiiska ayaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya. Taas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaybaha kala duwan warbaahinta Dawladda Itoobiya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso