MADAXDA WW&S OO KORMEER KU SOO MARAY DUGSIYADA MAGAALADA BURCO

MADAXDA WW&S OO KORMEER KU SOO MARAY DUGSIYADA MAGAALADA BURCO

Burco-Sep-16-2019-(Togaherer)-Wefti balaadhan oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska oo todobaadkan ba, hawlo shaqo u jooga magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ayaa saaka kormeer ku soo maray, qaar ka mid ah, dugsiyada magaalada burco.

Ugu horeyn, waxa warbixin ka siiyey madaxda wasaaradda waxbarashada hawlaha horumarineed ee ka socda dugsiyada ka socda, guddoomiyaha waxbarashada gobolka togdheer Md.Maxamuud Xasan Caynaanshe, waxaanu xusay, in ay gacanta ku hayaan, qorshayaal wax lagaga qabanayo bilicda dugsiyada iyo guud ahaan kobcinta tayada waxbarashada gobolka Togdheer.

Weftigu waxay kulamo kala duwan la yeesheen, maamulayaasha iyo ardeyda dugsiyada ay soo mareen, iyaga oo u kuur gelayey, waxqabadka mashruuca JPLG ee ay dawlada hoose ka fuliyaan dugsiyada.

Ugu danbayn, af-hayeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan ayaa hadalo dardaaran iyo guubaabo ah u soo jeediyey, ardeyda dugsiyada, Togdheer iyo Sheekh Ibraahim


Advertisement

Ku Xayeysiiso