Gudoonka waxbarashada Togdheer ok Xogwarran Siiyey wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka oo Socdaal Burco Kujooga

Gudoonka waxbarashada Togdheer ok Xogwarran Siiyey wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka oo Socdaal Burco Kujooga

Burco-Sep-16-2019- (Togaherer)-Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Togdheer Md.Maxamuud Xasan Caynaanshe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti balaadhan oo ka socda WW&S, weftigaas oo uu hogaaminayey Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md.Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxa iyaguna ka mid ah, agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee WW&S Md.C/raxmaan Maxamed Axmed, Agaasimaha Waaxda dugsiyada aas’aasiga ah Raxma Ibraahim Aamin, Af-hayeenka WW&S Md.C/laahi Ibraahim X. Xasan iyo wakiilka mashruuca maamul daadejinta waxbarashada (JPLG) ee hay’ada UNICEF Md.C/qaadir Ciise Xuseen.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer Md.Maxamuud Xasan Caynaanshe waxa uu xog-waran balaadhan ka siiyey wefti hawlaha waxbarashada ee gobolka Togdheer iyo qorshayaasha waxbarasho ee ay gobol ahaan doonayaan, in ay hirgaliyaan sannad dugsiyeedkan 2019-2020-ka.

Dhanka kale, guddoomiyuhu waxa uu fariin wacyigelin ah, u diray waalidiinta iyo guud ahaan, bulshada gobolka Togdheer, waxaanu u soo jeediyey, in ay goobaha waxbarashada keenaan caruurta gaadhay, da’dii waxbarashada, si loo yareeyo jahliga isla markaana loo kordhiyo bulshada inta wax qorta waxana akhrida.

Ugu danbayn waxa uu guddoomiye Maxamuud Xasan Caynaanshe u mahadnaqay, dhammaan ciddii gacan ka geysatay, horumarinta waxbarashada gobolka togdheer oo ay ugu horeeyaan hay’adaha caalamiga ah ee ay ugu horeeyaan SCI iyo NRC.

Advertisement

Ku Xayeysiiso