Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Oo Kooxo Dhakhaatiirta Xoolaha Ah U Kala Dirtay Degmooyinka Gobolka Sanaag.

8
Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa maanta kooxo dhakhaatiir kuwa Xoolaha ah u kala diray degmooyinka kala duwan ee gobolka Sanaag.

Dhakhaatiirtan ayaa degaanadda iyo degmooyinka gobolkaasi Sanaag ka fulin doona hawlgalo lagu talaalaayo xoolo tiradoodu gaadhayso Lix boqol  iyo konton kun oo neef.

Waxaana la talaali doonaa :-

450,000  (Afar boqol iyo konton kun ) oo Adhi ah .

100,000 (boqol kun ) oo Lo’ ah .

Iyo 100,000 (boqol kun )oo Geel ah.

Kooxahan dhakhaatiirta ah ayaa 44  cisho ka shaqayn doona degmooyinka Gar’adag,Badhan,Ceel-Afweyn iyo Dhahar, iyaga oo degmooyinkaas iyo degaanadda hoos yimaada ka fulin doona ololahan  lagu talaalaayo xoolaha degaanadaasi ku dhaqan.

Isu duwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee gobolka Sanaag Cabdiraxmaan  Xuseen Yacquub oo goobta ay ka ambabaxayeen dhakhaatiirtaasi ka hadlay ayaa dardaaran siiyey kooxahan Dhakhaatiirta ah , isaga oo sidoo kalena dadweynaha degmooyinka gobolka Sanaag usoo jeediyey in ay ka faa’iidaystaan fursadan lagu talaalaayo Xoolaha degaamadaasi, waxaanu tilmaamay in dhakhaatiirtani ay tegi doonaan goob kasta.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso