Madaxa Fayo-Dhawrka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Oo Baaq U Diray Shacabka Caasimadda Hargeysa.

Madaxa Fayo-dhowrka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiwahaab Cabdi Jaamac Nakruuma ayaa dad waynaha Caasimada ugu baaqay inay qashinka iska basriyaan xilli roobaadka,isagoo sidoo kalena sheegay in lambar loo samayn doono booyadaha caasimadda biyaha u soo dhaamiya ee XAREED.

Dr Cabdiwahaab Cabdi Jaamac Nakruuma ayaa kormeer ku soo maray meelaha biyo mareenka ah iyo goobaha qashinka isagoo dadwaynaha ugu baaqay inay xilli roobaadka qashinka geeyaan goobaha loogu talo galay.

Geesta kale, Dr Nakruuma waxa uu digniin u diray shirkadaha qashinka ee caasimadda Hargeysa isagoo ugu baaqay inay wakhtigan roobka qashinka guraan geeyaanna goobaha loogu talo galay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso