Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawadda Somaliland Oo Xafiis Cusub Oo Ay Hay’addu Yeelan Doonto Ka Furay Magaaladda Ceerigaabo.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Cabdikariim Maxamed  Cali ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis ay hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ku yeelan doonto magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaana munaasibada xafiiskaas xadhiga lagaga jaraayey kasoo qayb galay masuuliyiinta heer Degmo iyo heer gobol ee gobolka Sanaag, iyaga oo ka waramay xaaladda shaqaalaha dawladda ee gobolka Sanaag ay hadda ku sugan yihiin  iyo sida loogu baahnaa in xafiiskaasi gobolka laga furo.

Waxa isna goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed  Caalin (Tiimbaro), oo isna guuddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha dawladda uga mahad celiyey xafiiskan uu gobolka Sanaag ka furay, waxaanu sheegay in xafiiskani muhiimad weyn u lee yahay shaqaalaha dawlada ee gobolka Sanaag ka hawlgala, shaqaalaha dawladdana looga baahan yahay in ay fadhiga ka kacaan oo ay Gunti giijis galaan, madaama waqtigan wixii ka dambeeya shaqadooda lagu daba geli doono.

Ugu dambayna Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Cabdikariim Maxamed Cali ayaa sheegay in waqtigan laga bilaabo shaqaalaha lagu daba gelidoono shaqooyinka ay Qaranka u hayaan, iyaguna ay heli doonaan wixii ay xuquuq lee yihiin, sidoo kalena ay fulin doonaan siyaasadda dawladda ee la doonaayo in gobolka Sanaag lagu horumariyo.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso