Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Shirkaddaha Ku Guulaystay Lix Mashruuc Oo Laga Fulinaayo Goboladda Somaliland.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey lix mashruuc oo ay hore ugu soo bandhigeen shirkaddaha Somaliland ka hawlgala.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somalilnad Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirkaddaha ku guulaystay mashruucyadaasi iyo noocyadda ay kala yihiin  mashaariicdaasi la fulin doono .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jeelka Gebiley ay ku guulaystay shirkadda Meecaad Construction Company, iyada oo ay sidoo kalena shirkadda Saxfo Construction company ay ku guulaysatay dhismaha jeelka Minja Caseeye, shirkadda Nasteex Construction Company ayaa iyaduna ku guulaysatay dhismaha xarunta waxbarashada ee Buuhoodle .

Sidoo kale shirkadda Yucub Construction Company ayaa iyaduna ku guulastay dhismaha xarunta waxbarashada Badhan , halka ay shirkadda Biij Construction Company  ku guulaysatay dhismaha iyo dayactirka afarta School ee Cabdisalaan, Bursade ,Suuqsade iyo Abdaal, waxa iyaduna dhismaha School-ka Qoolcaday ku guulaystay shirkadda Qaydar Construction Company .

Shirkaddihii lagaga guulaystay mashaariicdaasi ayaa ugu hambalyeeyey shirkaddaha ku guulaystay hirgelinta mashaariicdaasi, iyaga oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin sida ay guddida Qandaraasyada Qaranku u wado hawlaha Mashaariicda ay soo bandhigto iyo siday xulistani u dhacdayba.

Waxa iyaguna dhinacooda ka hadlay goobtaas Jabarte Saadle  Agaasimaha guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Axmed Maxamuud Baarcad  xubin ka ah Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ,iyaga oo sheegay in Qaranka Somaliland uu koraayo maalinba maalinta ka dambaysana ay qandaraasyadeenu noqonayaan kuwo waafi ah, waxaanay intaas ku dareen in shirkaddaha Guulaystay iyo kuwa aan guulaysaniba ay wada guulaysteen, Somaliland-na ay arrintani guul u tahay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso