Xorriyada Saxaafadda iyo Anshaxa Suxufiga(1) Abdifataah M. Ahmed

Xorriyada Saxaafadda iyo Anshaxa Suxufiga(1)

Haa Xorriyadu waa Muhiim,sidaasi oo kale waxa muhiim ah illaalinta Masuuliyadda.Dalalka sida Somaliland oo kale masuuliyaddaha saaran saxaafadda ka jirta waxa ka mid ah in ay qaataan kaalin ay bulshada kala dagalaamaan kana wacyi-geliyaan Qabyaalada,iyo in ay dadka u baahiyaan barnaamijyo dabar-jara dhaqamada aan wanaagsaneyn.Saxaafaddu waa in ay Bulshada ka caawisaa sidii ay bulshadu ula dagaalami laheyd Fakhriga iyo Shaqo-la,aanta.

Xorriyada Saxaafadda iyo anshaxa suxufigu waa Mawduuc muhiim ah oo Muddooyinkii ugu danbeeyey ka hadalkeedu Somaliland ka Jiro.Saxaafadda marka laga hadlaayana waxa sidoo kale qeyb ka ah Warbaahinta bulshada ee Bar-kulanada bulshada (Social Media).Hadal-heyn iyo dood badan ayaa mawduucani leeyahay wakhti xaadirkani.Dooddahaasi waxa ka mid ah,arrimo la xidhiidha ku xad-gudubka xorriyada saxaafadda iyo suxufiga,waxa kale oo ka mid ah ogaansha masuuliyadda saxaafadda iyo suxufiga dalkiisa iyo dadkiisa ka saaran.waayo warbaahintu maanta dunida gaar ahaan somaliland waxa ay noqotey wax caan ah, isla markaasina awood badan leh.

Somaliland,xorriyadda saxaafaddu waxa ay qeyb ka tahay,xorriyada uu muwaadinku u leeyahay in uu fikirkiisa cabirro ama ku hadlo,waxa isku jira iskuna xidhan xorriyada haddalka iyo xorriyada saxaafadda.Waxase Muhiim ah in Xorriyada haddalka Warbaahinta Marayaa uu noqdo mid aan la siin xorriyadda qofka suuqyada ka dhurmaaya oo kale.

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA,

RA’YI – DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE

1.            Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.

2.            Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.

3.            Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya.

Sidda aad ku arkeyso Qoddobka 32aad ee halkan kaaga muuqda Faqraddiisa Saddexaad,waxa ku Jira “hawshoodana  xeer baa nidaaminaya”.taasi macnaheedu waxa weeyaan in aan si khaldan looga faa,ideysan xorrriyada saxaafadda Dastuurku u ballan-qaadey.waa in weli xayiraadi saaran tahay xuquuqaha jira haddii si khaldan looga faa,ideysto Xorriyadda saxaafadda.Waayo waxa la rabaa in saxaafaddu ay ilaaliso Danaha Dalka,iyo Sumacada iyo u daacad noqoshada somaliland.Ammaanka dalka,amarada guud,hufnaanta iyo akhlaaqada,sharciyada la xidhiidha maxkamadaha,been abuurka kicinta warar qas wada.Sida Awgeed Xorriyadda Saxaafaddu maaha mid u dhameystiran sida Xorrnimo Dhammeystiran,Waa in Bahda warbaahintu ay oggaadaan Arrintaasi.Dunnida Saxaafaddu uma madax-bannaana sida Xeer ama Qoddob u qeexay.

Somaliland Saxaafaddeedu waxa ay qeyb ka tahay taariikhda Dalku soo marey,waxa ay door muhiim ah kaga jirta kana soo qaadatey sidii Bulsho weynta Dalka loo gaadhsiin laha loogana haqab-tiri lahaa Wararka iyo xogaha Dadku u baahan yahay dhan kastaba,sida Arrimaha bulshada,Dhaqaallaha,Aqoonta,Diinta Islaamka,Suugaanta iwm.Warbaahintu waxa ay Dadka ku war-gelineysaa la socoshada Xaaladaha kala duwan ee dalka sidda Abbaaraha,mucaaridka jira,musuq-maasuqa iwm.Warbaahintu waa Halka ay dadku ka helaan Warar joogto ah iyo fikraddo kala duwan oo u muhiim ah korinta Caqligoodda, iyo is-xukunkaba.Meelo badan Warbaahinta Somaliland Wey u qalmaan Billad-geesinimo.

La soco Qeybta Dambe ee Maqaalkani

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso