Dhacdo Ugub Ah: Ninkii Iska Lahaa Qoraalka Buugga Cabdi Qays Oo Soo Baxay, Dacwadna Ku Oogaya Shirkadda Sagaljet Iyo Cali Guray + Cadaymo Nootaayo Uu Soo Bandhigay

Dhacdo Ugub Ah: Ninkii Iska Lahaa Qoraalka Buugga Cabdi Qays Oo Soo Baxay, Dacwadna Ku Oogaya Shirkadda Sagaljet Iyo Cali Guray + Cadaymo Nootaayo Uu Soo Bandhigay.

Ugu horreyn Anigoo ah Maxamed Cismaan Muxumed “Ugaaska”aan ku Bilaabo Magaca Eebbe Isaga ayay Mahad oo dhami u sugnaatay, Marka labaad aan Salaan Hawada u soo mariyo Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan inta Xiisaysa Akhriska iyo Qoraalka. Ku Fogaan Maayo Inaan soo bandhigo Xaqiiqooyinka Jira Ama aan wada sheegaba, Waayo Maahmaah Soomaaliyeed baa ahayd Lafta Jabi Xaragana ha ka tagin,Waase lagama maarmaan War Sugan oo ka soo baxa dhankayga Inaan idinla wadaago , Wakhtiga Iyo Dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ayaa Kalifaya Maqaalkaygan Iyo Aragtidayda labadababa. Waxa kale oo Iyadana aan Xusayaa Inaan Qoraal ahaan Cod ahaan Muuqaal ahaan aanan,hore Bulshada ula wadaagin anoo dhawraya Niyadsamida Iyo hawsha Buuggan oo meel ku tiirsanayd .

Bilawgii Buugga Darmaan iyo Dalxiis :- Waxaan buuggan bilaabay 2010kii Aakhirkiisii Muddadii aan waday Ururinta buuggan oo ahayd Afarsano iyo dheeraad Waxaan la kulmay oo aan waraysiyo ka qaaday Dadkii Ugu dhawawaa Abwaanka kuwaasoo aan ka Xusi karo Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi , Cabdillaahi Aadan Xaad “Qarbooshe” Oo ah Abwaanka Walaalkii , Abwaan Saxardiid Maxamed “Jabiye” oo ah Macaliinkiisii Hal-abuurnimo intaanu suugaanta bilaabina uu u ahaa gacanyare u qora Riwaayadaha Iyo Maansooyinka kale ee uu sameeyo Ab.Jabiye(AHN) Sidoo kale waxaan waraysiyo ka qaaday Buuggana aad ka dhex helaysaan Abwaan Aadan Tarabi , Abwaan Axmed Saleebaan Bidde , Qoraa Maxamed Cabdillaahi Riiraash , Fannaaanad Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo ah Xaaskiisii hore Una dhashay Curradiisa Ayaan iyo Mustafe , Waxaan Iyagana Maansooyin ka helay Boobe Yuusuf Ducaale , Maxamed Ibraahim Xujaale , Iyo Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah qoraa reer Jabuutiya Isagoo aad igagala shaqeeyay Heesihii iyo Taariikhda intii uu Jabuuti Abwaanku ku lahaa , Ma soo koobi karo dadyawga buuggan Darmaan Iyo Dalxiis igala shaqeeyay Waayeel iyo Dhalinyarba way lahaayeen, Waxase igu kalifay iyadoo waxaas oo xoga iyo dadkaaba buugga laga dhex heli karo , Fasiraada khaldan ee laga bixiyay Buugga taas oo odhanaysa , Waa Xog Ugaasku kalighii Qoray , Cid la ogaydna aanay jirin.

Haddaba Abwaanka Xogtii aan ka Uruuriyay oo aad u baaxad waynayd Boqol iyo Konton Maansana ku dhawawayd , Dadkii gacanta wayn buuggan ka gaystay waxay ku taliyeen inaan horta daabacaada Koobaad aanan ka badin Boqol iyo Jarjarka Maanso ee hadda Darmaan iyo Dalxiis ku qoran iyo Saddexda Boqol Iyo Afartanka Bog ee Buuggu ka kooban yahay , Wixii Daabacaada Labaad loo gaadho inaan ku daro inta hadhay iyo Xogaha kale ee la heli doono , Sidaa ayuu Madbacada Sagaljet ku galay Buugga Darmaan iyo Dalxiis , Kuna soo baxay 2014 October , Iyadoo aan Bandhigiisiina ku qabtay Maansoor Madal Ilyartu is qarisay 2014 Deceber 11keedii.

Waxa iyadana hadal badan la galiyay inaanu Abwaanku Ogayn wax ogolaansho ahna aanan ka haysan . Si Kooban Abwaan Cabdiqays Waanu ka wada soconay Ururinta Buuggiisan bilawgiiba waxa iyaduna jirta Inaan Cajalad kaga duubay markii aan dhameeyay buuggan inaan daabaco Ogolaanshiiyo buuxa uu ii siiyo Waa Ogolaaday inaan daabaco, Markhaatiyaal waxa ahaa oo Cajaladaa ku jira Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Maxamed Cumar X.Faarax , Markale Intiinii ka soo qaybgashay ama daawatay Xafladii Goob joog buu Abwaanku ahaa Ereygiisana wuu ka dhiibtay.

Bandhigii Ka dib waxaanu u amba baxnay Aniga iyo Abwaanku Jabuuti halkaas oo aanu ugu talo galnay inaanu ka samayno bandhig labaad, dabcan Abwaanka ayaa iga cag horreeyay Usbuuc ka dib baan ka daba baxay, Hawshii baanu guda galnay, Qoladii Bandhiga noo samayn lahayd baa Kuwo ka midi Safar ku Maqnaayeen,dabcan Marti baanu ahayn labadayaduba Qorshuhu wuxuu ahaa inaanu Qolooyinkaa Sugno , Muddadii aanu ku Guda jirnay hawshaa oo ah Khilaafka Bilawgiisa Aasaaska iyo halkan uu ka Unkamay Is afgaran waaga aniga iyo Abwaanku Waxa uu ahaa; Adduunka laga waayo Diradiraale iyo qaar hawl meel wacan la soo gaadhsiiyay kala rida Aniga iyo Abwaanka waxa markiiba na soo dhex galay rag aan Abwaankana wax u tarayn Bandhigana baajinaaya Kuwaasoo Abwaanka ku yidhi Tobankun oo buug baanu kuu samayneynaa, Calaa Buugna Boqol Dollar baanu kuugu iibinaynaa ee PDF ka ka soo qaad ninkan dhalinyarada ah ee Buugaaga qoray, halkaa markay maraysay waa is badalay jawigii daganaa ee aanu Hargaysa kaga soo ambabaxnay , Wuxuu Abwaanku ii soo jeediyay in aan ku soo wareejiyo buugga PDF kiisa oo uu daabacdo Isagu , Anigana Saami ahaan uu isiin doono wixii uu ii garto , Maadaama oo uu leeyahay Tirinta Maansada aan Xogteeda soo Ururiyay, waxaan anigu markii fikir ahaan taagnaa in ay noo qabsoonto Xafladii iyo Ujeedkii aanu Magaalada Jabuuti u tagnay, ka dibna wixii daabacaad labaad ah ee la galayo Xiligii la galayo,goobta lagu galayo iyo Ciddii galaysaaba markaa gasho, iyadoo labadayaduba aanu goob joog ka wada nahay, may suurto galin in Khilaafkaa Jabuuti ka bilaabmay uu halkaa ku dhamaado ,niman Odayaala oo galayna waxba dhanka Abwaanka waa ka dhamayn kari waayeen. Sidaas baanu Bandhigii Jabuuti iyo Arimihii aanu u wada tagnay ku baaqsadeen.

Abwaanku waa uu iga soo hor baxay waan kaga dambeeyay hawlo ii gaara awgeed , ka dib markii uu abwaanku Hargaysa yimid waxa uu u tagay Madbacadii aan ka daabacay buugga waxaanu ka qaatay PDFkii aan anigu gacantayda Madbacada ugu dhiibay , Muddo yar ka diba waxaan imid Aniguna Hargaysa markiiba waan Ogaaday in PDFkii Faynelka ahaa ee la daabacay Abwaanka lagu wareejiyay. Koox dhalinyaro u badnaa ayaa is abaabulay oo aad uga xumaaday in Madbacadu bixiso Buuggii iyadoo aan aniga wax Ogolaanshiiyo ah layga haysan Una tagay Madbacadii , Waxay Madbacadu cadaysay in ay bixisay PDF ka buuggaa iyadoo aan aniga wax fasax ah iga haysan ,isla markaana aan ahay Ninka Xogtan la daabacay u keenay .

Waxa Iyakuna dhinacooga ila soo xidhiidhay Guddi Odayaal ah oo ay ka Mid yihiin Ab.Yuusuf Shaacir, Qora. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo , Boobe Yuusuf ducale Iyo Maxamed Ibrahim Xujaale . Xidhiidhka hore waxa lahaa Yuusuf Shaacir oo ii sheegay inay doonayaan in ay Odayaal ahaan hawshaa galaan Gaar ahaan Khilaafka aniga iyo Abwaanka , Waan aqbalay Sidaasaanay hawshaa ku galeen waxaanay ka soo saareen Koobiyo Toban Qodob Kuwaasoo Qoraal ahaan aad ka dheehan kartaan Warqadii Heshiiska Almis PUblic Notary And ADVOCATE dhamaan tayana aanu ku wada saxeexnay , Khilaafkiina halkaa ku dajisay dhamaysayna hawshii taagnayd . Iyadoo aan idinla wadaagi doono Heshiiskaa haddana waxa saldhig u ahaa laba qodob

1: In aanan Daabacaad labaad oo Darmaan iyo Dalxiisa Soo saarin isla markaana Abwaanku wixii hadda ka dambeeya uu Isagu daabacdo

2: In aan anigu yeesho Xuquuqda Ururinta Wixii Dambe ee la tifaftirayo laguna Qoro bog horraadka Daabacaadaa labaad ee la soo saari doono , In daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad ee uu Ururinteeda lahaa Ugaasku Iyo In Hordhaca Mahadnaqa lagu Xuso In Daabacaada Labaadi ka timid daabacaadii Koobaad Badankeedu .

Haddaba Maxaa iska badalay ee ku soo
kordhay arinkaa sidaa ku fulay ?

Ugu Horrayn anigu halkaa markay maraysay ayaan waddankii ka imid, Waxaanse ku war helay PDFkii Abwaanku ka qaatay Madbacada Sagaljet Iyo Buuggiiba in gacanta loo galiyay Cali Yuusuf Cali-Guray , Waxa iigu xigtay Madal ka dhacday Maansoor Hotel oo uu soo qabanqaabiyay Tvga HCTV, laysuguna yeedhay Hal-abuuro badan iyo Qoraayaal Waayeel iyo dhalinyarba leh Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdiqays,Iyo Cali Guray oo Abwaanka la socday , in uu goobtaa ka yidhi Cabdiqays buuggaygii hadda waxa gacanta ku haya oo qoraya Cali Guray Isagaana hadalka uga baxayaa , Cali Guray oo isaguna Goobtaa kaga dhawaaqay inuu waddo buuggii Cabdiqays Meel wacana uu u marayo , Gartay Buuggu inuu yahay Darmaan iyo Dalxiis Waxa ii Cadaatay Xogtii isoo gaadhaysay ee ahayd in Buuggii Cali-Guray lagu wareejiyay , Habeenkaa Goobta kama Sheegin Cali In Buug hore jiray oo dadaal rag ku bixiyeen iskaba dhaaf inuu soo hadal qaadee qaabka uu u hadlaayay ayaa ahaa sidii mid Ugub ah , oo aan hortii la qorin isagoo waliba Xogta uu hayaa tahay Xogtii Darmaan iyo Dalxiis , Muddo ka dib waxaan Ogaaday in buuggii la daabacayo oo Madbacada Sagaljet uu ku jiro Faafreebkisii .

Waxaan xidhiidh la soo sameeyay Gudidii Hawsha buugga dhamaysay intii aan ka helay oo kala ah Boobe Yuusuf iyo Yuusuf Shaacir Waxaanan u sheegay in Buuggaa la daabacaayo Madbacadana uu ku jiro isla markaana aan soo dhawaynayo Dadaalkii aan bilaabay in meeshisii laga sii wado laakiin lagu dhaqmo heshiiskii hore ee ay u dhigeen Buuggaa , Iswaraysi dheer ka dib waxay ii sheegeen in la raaci doono heshiiskaa ,dhanka kale waxaan xidhiidh la sameeyay Madbacadda daabacaysa Gaar ahaan Cabdi Yuusuf Aar , waxaan isagana u sheegay in Khaladkii hore ee ay madbacadu gashay aan lagu ladhin mid labaad ee hawshaa lagu dhameeyo sidii hore loogu dhameeyay , Waxaanu isagana isla garanay in la raaci doono Heshiiskii hore . Intaa kumaan joogsan ee waxaan Sameeyay Qoraal ka kooban laba bog oo aan kagaga hadlaayo arinkaa iyo Aragtiday daabacada labaad , Waanan Idinla wadaagi doonaa Qoraalkaa .

Ugu dambayn 9.9.2019 waxa lagu soo bandhigay Magaalada Hargaysa Buug lagu sheegay in uu qoray Cali Yuusuf Cali-Guray kaasoo lagu qabtay Hotel Maansoor looguna Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , Qoraalka Iyo Ururintana uu Isagu leeyahay.

Waa Maxay haddaba Aragtidayda aan ka qabo Daabacadaa Labaad ee Buuggaa Oo ay dad badani sugayaan ?

Ugu Horreyn Waa Buuggii aan anigu Qoray ee Darmaan iyo Dalxiis oo laga Saaray Magacaygii Laguna badalay Magaca Cali-Guray Si kale haddaan u dhigo waa Buuggii hore oo Jaldigii laga badalay , Waxaana Caddayn u ah ;

  1. Cidkasta oo gacanta uu u ugu jiro buuggii aan anigu qoray ee Darmaan iyo Dalxiis Waxa uu ka koobnaa Afar Geeddi oo kala ahaa Geeddiga Koobaad , Geeddiga Labaad ,Geeddiga Saddexaad iyo Geeddiga Afraad , looma Magac bixin Buuggan Cusub ee waxa la soo qaatay Afartaa Geeddi ee uu buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ka Koobnaa mid ka mida , Iyadoo aan lana xusin In Buugga Darmaan Iyo Dalxiis uu ka koobnaa afartaa Geeddi
  2. Gogol dhiga Buuggu Waa Gogoldhigii Buuggii Darmaan Iyo Dalxiis :- Rashiid Sheekh Cabdillaahi(rashiid gadhweyne) oo ah rugcadaa ku xeeldheer arimaha Suugaanta oo aanan labadayadu Wax aqoona isku lahayn ayaan waxaan la kaashaday Ab.Hadraawi oo ay saaxiib dhaw yihiin iyo Yuusf shaacir oo ay is yaqaanaan Inuu Buuggaa Darmaan iyo Dalxiis ee aan anigu wado ku soo darsado aragtidiisa Maansada Cabdi-Qays iyo shaqsiyadiisa sida uu u arko , markii aanu la xidhiidhnay Waxa uu Emailkayga ii soo dhigay qoraal aad u luxdan kaasoo Sharaxaya Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , Waxaan isagana dhawr Jeer Waraysiyo ka duubay Ab.Hadraawi Kaas oo aan markii dambe u rogay Qoraal ahaan.

Rashiid Gadhwayne iyo Ab.Hadraawi waxay noqdeen Labada qof ee ugu Sharaxaad Toolmoon Maansada iyo Shaqsiyada Ab.Cabdi-Qays , waxaana ay noqdeen Hordhicii ama Gogoldhigii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis . Cali-Gurey Isagoo aan Laaxin ka jarin wuxuu Gogoldhig uga dhigay Buuggaa uu isku Magacaabay Rashiid Gadhwayne oo sidaa aan soo sheegay Gogoldhig u ah Buugga aan qoray ee Darmaan Iyo Dalxiis Madashii laysugu yimid wuxuu Cali-Gurey ka sheegay labada qoraal ee Rashiid Gadhwyne iyo Ab.Hadraawi aan ka sameeyay, Isagoo qarinaya Magacayga Iyo Buugga aan qoray labadaba , wuxu yidhi in ay wax ka yidhaahdeen mar shaqsiyada Abwaan Cabdi-Qays wax laga waydiiyay ,

Iswaydiintu haddaba waxay tahay yaa wax ka waydiiyay? halkayse ku qoran tahay? Midna kama sheegin Goobtaa , Mahadnaqa buugga laakiin Meel dhexe oo uu igu qoray Si aan u arkay marna inuu isleeyahay u Mahadnaq marna uu u duudsiyayo Xogtaa dhamayska tiran ee uu ku takrifalay Waxa uu odhanayaa ;

Labadaa Qoraalba waxaan ka soo xigtay Waraysi uu la yeesshay oo ku qoran Buuggiisa . aan’se kuu saxee Ab.Hadraawi ayuunbaan waraystay , Rashiid Gadhwayne Isaga ayaa Gacantiisa Iigu soo qoray oo ku hawshooday .

  1. Waxa ku qoran buuggaa uu soo bandhigay Boqol Iyo Labiyo Afartan Maanso laba Maanso oo kala ah Baladwayne Iyo Beeraad oo hadraawi lahaa marka laga reebo Waa Boqol Iyo Afartan Maanso , Waxa Maanso Cusub ah oo uu ku soo daray Saddex iyo Labaatan Heesood qofkii Xogtaa doonayaana Wuu ka baadhi karaa labada Buugba inta ay is dheeryihiin iyo waxa ay ka midka yihiinba ,

Waxaan aad ula yaabay Magacyada heesaha , gaar ahaan kuwa wakhtiyada hore ah oo aan ka qoray Cajalado aad u badan kuwaasoo Abwaanku Codkiisa ku qaadayo Magacyadii aan u bixiyay markaan u eegay baydadka soo noqnoqaya ama kuwa ugu halku dhiga wanaagsan aragtidayda, sidoodii buu u soo qaadanayaa dhamaantood isagoo aan wax tafaftira ku samayn, haddii aad baadho labada buug tusmooyinkodda oo kaliya uun dheeho .

Markale oo uu Mahadnaqa Buugga igu daray anoo waliba meel dhexe ku jira Wuxuu Cali-Gurey Sheegayaa In uu iga soo Xigtay Maansooyin dhawra oo aanu meel kale ku arag, buugga aan qoray mooyaane , Isagoo marka laga tago Heesahaa uu ku soo daray ee Kooban inta kale Gabi ahaanteedba ay tahay Daabacaadii Koobaad ee Darmaan Iyo Dalxiis Maansooyinkii ku qornaa Haddii aad Maqli jirtay Qoraalo kooban oo la kala dhaco, Waxa Akhriste ku horyaala Buug dhan oo Magacii Qoraha Iyo Uruuriyaha laga badalay ,Mid kale oo aan u soo dhib mudanna lagu qoray. Yaanan Mawduuca ka bixine , Waxa suuqa la galiyay inaan Qoray Buug inta badan Maansada ku qoran aanu lahayn Ab.Cabdi Qays!

Iswaydiintu haddaba waxay tahay, Haddii aanu Abwaanku lahayn inta badan Maansooyinka ku qoran Darmaan Iyo Dalxiis , Maxaa loogu qoray buuggan hadda la daabacay Boqol iyo dheeraadka Maanso ee looga saari waayay?

Dhamaan Maansooyinka aan ku qoray Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Afar Heesood oo markii aan daabacay dadwaynaha buuggaasi gaadhay ii sheegeen inaanu isagu lahayn Xigashadoodana aan dad muddakara ka soo xigtay marka laga tago Dhamaan Waa Maansadii Ab.Cabdi-Qays , Afartaa Heesood laba ka mida waa laga saaray Buugga Cusub Laba ka midina wali way ku jiraan . Tolow Maxaa la saxay ? Maxaa Boqolka Maanso ee aan qoray badankeedana Abwaanku aanu lahayn loogu darsaday buuggan Cusub hadday sidaa u jirto?

Guntii iyo Gabagabadii:-

Cidkasta oo diyaar u noqota inay Abwaanka wax ka qorto Waa u furantahay , Waayo Aniga Kooto iiguma Xidhna Maansada iyo Taariikhda Abwaanku , Laakiin Buuggaa la soo bandhigay ee Loogu Magacdaray Geeddigii Cabdi-Qays , maaha mid Cusub oo ka duwan kii aan anigu soo bandhigay ee Qoraalkiisa Abwaanku Gacanta ka galiyay Cali-Gurey .

Laba Mid uun baana Cali-Guray u furnayd inuu u Qalab qaato buug Cusub Kaasoo u dhigma buuggii aan qoray oo ahaa Boqol iyo dheeraad Maanso waxa uu kayga ka soo xiganayana uu ka soo xigto kaliya uu igu Xuso Mahadnaqa Ama Inuu Siduu heshiisku ahaa Sameeyo Daabacaad Labaad Tifaftiro kii hore Labaataneeyada Heesood ee uu hadda ku daray Buugga Cusub uu ku daro , Anigana Xuquuqda Uruurintu Sidii heshiisku ahaa la iigu daayo, oo aan Buugga lagu daabicin Sidan Hadda loo Dhigay .

haddaba ka yeeli maayo Adiga Iyo Inta kaleba Xog Iyo Ururin aan tacab idinka galin inaa Magacyadiina ku qortaan, ka dibna aad bandhigyo u samaysataan , Hadday taasi dhacayso anaa u Xaqleh Inaan Qoro Xogta iyo Ururinta Maansada Cabdi-Qays

Guddidii Gashay ee dhamaysay khilaafkii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis ka Yimid waxaan aad uga xumahay in hortiina uu ku burburo, heshiiskii Odayada aad ka ahaydeen idinkoo haya heshiiskaa aad ku saxeexan tihiin , Marinkeedana aan la marin heshiiskii dhaabadda Cad ahaa ee aad Idinku dhigteen , Arinta kale ee ka sii yaabka badan ayaa ah in Afartii Xubnood ee Gudida ku ahaydeen Saddex ka Mida, kaga qayb gasheen Xafladaa lagu burinaayo Wixii ka Guddi ahaan aad Qorteen, laba ka mida aad kaga hadasheen Goobtaa, Ugu Hambalyeyseen inuu Cali-Gurey Buugga qoray Kuna soo dhawayseen Saaxada Qoraalka Idinkoo aydaan iska hubsan, waxa la qoray iyo Meesha loo maray , Sidoo kale aydaan marnaba Xusin Buuggii aad Odayada ka ahaydeen ee Darmaan Iyo Dalxiis .

Waxa Iyaduna gafkii labaad ku jirta Madbacada Sagaljet Iyo Gudoomiyaheeda Cabdi Yuusuf Aar Oo markii hore bixiyay Soft igii Buugga Darmaan Iyo Dalxiis Kaas oo aan ka Qoraa ahaan anigu u dhiibay,Daabacadeedana aan bixiyay. haddana dib u daabacday Buug dhawr Heesood lagu soo darsaday lagana saaray Magacayga Oo kaliya , Iyaka oo og , hayana Heshiiskii hore, waliba aan la xidhiidhay intii aanay daabcin .

Qodobka Sagaalaad ee heshiiskaa ayaa waxa uu odhanayaa :- Labada dhinac waxay si wada jira oo rabitaankooda ku salaysan u dhowrayaan Qodobada heshiiska , Iyagoo ilaalinaya niyadsamida iyo is-aaminida heshiiskan kaasoo aan loo isticmaali karin sifo kale,loona fasirankarin si ka baxsan heshiiskan.

Haddaba haddii aan la dhawrin Xuquuqdii Ururinta ee aan Bilawgeeda lahaa Sidoo kalena wax War ahna aanan ka hayn inta Cadad ahaan ee la daabacay , Abwaankii Buugga lahaana aanu isagu lahaanshiiyaha Maansada Mooyaane Wax uu iska qoray jirin oo uu kaligii soo bandhigtay jirin , Inta Darmaan Iyo Dalxiis Qof aan U soo dhib Mudani Magaciisa ku Xardhaayo , Waajibka Iyo Damiirka Saxda ah baa i faraaya Inaan Dib boodhka uga soo tumo, Oo aan soo Saaro Qaybtiisii Labaad Iyadoo Tifaftiran .

Waxaan aad u soo dhawaynayaa ku Faraxsanahay Bandhig Kasta oo loo sameeyo Iyo Buug kasta Oo laga qoro Abwaan Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays oo ah Adeerkay Waayeelna ah Mudan in laga Reebo dhaxal ma guuraana ahna Hal-Abuur Koobsaday Dhamaan Nudaha fanka,Una ah Foolaad Faciisa Iyo Inta Rabbi ku Manaystay Murtida Soomaaliyeed , Hore iyo Hadda midtoona aanan waxba u Qabin , Uguna Ducaynaayo Caafimaad iyo Cimri dheer .

Advertisement

Ku Xayeysiiso