Soomaaliya iyo Masar oo kala saxeexday heshiis ganacsi

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga Masar ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka maalgashi ee u dhexeeya Labada Dal.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Dalka Masar, ayaa dhanka Soomaaliya waxa u saxeeyay wasiirka ganacsiga, Dr; C/llaahi Cali, halka Masarna uu u saxeexday wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah, Haweeneyda lagu Magacaabo, Saxar Nasar.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay sidii loo samayn lahaa mashaariic wada jira oo ka dhaxeeysa labada Dal sida Dawooyinka qalabka dhismaha, wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha.

Wasiirka maalgashiga Dalka Masar ayaa sheegtay in Labada Waddan ay sameynayaan iskaashi dhaqaale, lana sMagacaabayo guddi dhaqaale oo isku dhaf ah, kana kooban wasiirro iyo ganacsato, si kor loogu qaado maalgashiga iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Labadan Waddan.

Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Masar ay dedaal badan ku bixineyso sidii loo adkayn lahaa xiriirka dhaqaale iyo kan maalgashi ee kala dhexeeya Soomaaliya

Waxanay intaa ku dartay in xukuumadda Masar iyo ganacsatadeeduba ay diyaar u yihiin in ay uga faa’iideeyaan khirbradda wax soo saarka iyo wershadaha Dadka soomaaliyeed
Sidoo kale wasaaraddu waxay ugu baaqday ganacsatada Labada Dal in ay sii xoojiyaan arrimaha maalgashiga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeya Labadan Waddan ee walaalaha ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso