Soomaaliya oo wareejisay hoggaanka Shirka Golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jamaacadda Carabta

Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta.

Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhigigisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim.

Ambassador’ Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil ee ay Soomaaliya haysay xilka ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda.

Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayuu sheegay in looga hadlay, dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso